“Xukuumadda Waan Ku Bogaadinayaa Qiimaha Sarifka Ee Hoos U Dhacay”

0
841

Suldaan Maxamed Muuse Cunaaye

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Maxamed Muuse Cunaye, oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa Xukuumadda ku bogaadiyey qiimaha lacagta sarifka ee hoos u dhacay, balse wuxuu ugu baaqay inay wax ka qabato qiimaha Maceeshada ee sare u kacsan iyo Ganacstada oo uu sheegay inay umadda culays aanay qaadi karin saaraan.

Suldaan Maxamed Muuse Cunaye , oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, isagoo ku sugan magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya qiimaha sarifka “Xukuumadda waan ku bogaadinayaa qiimaha sarifka ee hoos u dhacay, laakiin ha la xisaabtanto ganacstada culayska ku haya umadda, maxaa yeelay Ganacstadu marka uu sarifku qaaliga ahaa waxay aad u jecelaayeen oo ay dadka qasab kaga dhigi jireen waa lacagta doolarka ah, maantana waxay dadka wax kaga iibiyaan lacagta kaashka ah, haddii ay markii hore tusaale ahaan qiima joogay boqol kun oo shilin, qiimihii ayey hadda wax ku iibinayaan, oo shaygaas boqolka kun joogay haddii uu doolarkii hoos u dhacay ganacstada hoos ugama dhicin, ee Xukuumadda waxaan leeyahay Ganacstadu culays ayey umadda ku hayaan, oo qiimihii maceeshada waxba hoos ugamay dhicin, mar haddii uu sarifkii hoos u dhacay, ee wax ka qabta”

Suldaan Cunaaye mar uu ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Macquul maaha in laba Xisbi ay Doorasho galaan,haddii uu Xisbiga Waddani yidhi Komishanka Doorashooyinka kuma kalsooni ee ha la iga bedelo, xaq buu u leeyahay in laga bedelo, oo waliba la magacaabo Komishan dhex-dhexaad u noqda Xisbiyada, in Komishan Xisbiyadu u siman yihiin in la magacaabana waa daruuri waana muhiim, Komishankaas loo siman yahay ayaana lagu wada qanacayaa, markaas Xisbiyada waxaa looga baahan yahay inay isku yimaadaan, oo wada tashi wax walba ku dhammeeyaan, mana aha inay kala fogaadan, oo kala aragti noqdaan, ee isku tanaasul ayaa loo baahan yahay, waxaana waliba odhan lahaa Madaxweynaha iyo Xisbiga ayaa maanta looga baahan yahay inay tanaasul la yimaadan, Madaxweynaha waxaa loo baahan yahay inuu umadiisa isku wado, oo mar walba cadaalada uu ogaado”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here