Faraqa U Dhexeeya Khudbadii Madaxweyne Biixi Iyo Xaaladda Waxbarasho Ee Deegaano Dalka Ka Mid Ah

0
763

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbadii uu jeediyay maalintii qaranimada Somaliland ee 18 May, wuxuu ku sheegay in 22% la kordhiyay dugsiyada reer guuraaga ee leh barnaamijka quudinta carruurinta

Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadiisu iska xil saartay horumarinta iyo dib u dhiska dugsiyada, kor u qaadista qalabka waxbarashada iyo kordhinta mushaharka macalimiinta. Hase yeeshee tobaneeyo maalmood ka dib khudbadiisa waxa soo baxaya faraq u dhexeeya khudbada Madaxweynaha iyo xaaladda waxbarasho ee deegaano ka tirsan Somaliland.

Doodda Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Biixi, wuxuu khudbadiisa 18 May ku yidhi  “Waxbarashada waxa koriya oo bar-baariya bahda waxbarashada oo ka saarta dadka mugdiga iyo jahliga, una gudbisa iftiinka aqoonta iyo hilaadinta himillada fog iyo horumarinta dalka. Xukuumaddu waxay iska xil-saartay horumarinta iyo dib u dhiska dugsiyada, kor u qaadida qalabka waxbarasho iyo kordhinta mushaharka macallimiinta.

–          Waxa la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda.

–Waxa la qaybiyey 1,200,000 (Hal Milyan Lix Boqol oo Kun oo Buug) oo la gaadhsiiyey ardayda tiro badan oo kala jooga gobolladadalka.

–         Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 454 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka.

–          Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta.”

Maalmo ka dib khudbadii Madaxweynaha

Ka dib khudbadaas Madaxweyne Biixi ee dhinaca waxbarashada, waxa soo baxay faraq aad u weyn oo u dhexeeya warbixinta uu Madaxweynuhu jeediyay ee dhinaca waxbarashada iyo xaaladda waxbarasho ee dalka.

Idaacadda Radio Ergo, oo ay maamulaan hay’ado caalami ahi ayaa shalay baahisay xaalad baahi dhinaca macalinimo oo ka jirt deegaano ka tirsan gobalka Togdheer. Idacadu waxay sheegtay in hal macalin uu waxbarao 120 arday oo ku nool deegaanka Gebagebo oo dhinaca waqooyi magaalada Burco ka xigta 90km. Magaalada Burco ayaa ah caasimadda labaad ee Somaliland, sidoo kalena ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka.

Macalin Jaamac Xuseen Jaamac, ayaa wuxuu macalin u yahay ardayda deegaanka oo isugu jira lix fasal oo kala duwan oo uu wax baro subixii iyo galabtii, waxaanu dejistay nidaam u gaar ah oo u fududaynaya inuu kelidii ardayda tiradaas leeg wax u dhigo.

Warbixintu waxay sheegtay inay wasaaradu waxbarashada Somalilanad awoodi weyday inay deegaankan u hesho macalin yimaada deegaanka, waxaanu Macalin Jaamac sheegay in aliflaha fasalku uu hadba caawiyo fasalka kale inta uu macalin ahaan isagu wax u dhigayo ardayda fasalada kale.

Dugsigan gebogebo ayaa waxa dhistay bulshada deegaanka sanandkii 2010, waxaanu ka koobanyahay laba fasal oo keliya, waxaanay warbixintu intaas raacisay inaanu iskuulkani qaadan karin ardayda fasalada 7aad iyo 8aad macalinimiin la’aan iyo baahiyaha kale ee jirta dartood. 50% ardayda iskuulka dhigata ayaa ah hablo, sida ay warbixintu sheegtay.

Macalinka keliya ee ardayda ay tiradoodu tahay 120 wax baraa, wuxuu mushahar u qaataa boqol dollar oo ay wasaaradda waxbarashadu siiso, halka ay waalidkuna arday kasta ka bixiyaan labaatan kun oo lacagta Somaliland si ay taageero ugu noqoto qoyska macalinka iyo weliba baahiyaha kale ee iskuulka sida nadaafadda iyo biyaha.

Guddoomiyaha deegaanka ayaa Idaacadda u sheegay inay wasaaradda waxbarashada u gudbiyeen dalab ah inay u keento macalimiin kale maadaama oo arday kale la qorayo dugsiga sannadkan, waxaanu sheegay inay sannadkan rajaynayaan inay helaan laba macalin oo kale.

Isu duwaha wasaaradda waxbarashada ee gobalka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaan, ayaa iadacaadda u sheegay in afar macalin loo qorsheeyay deegaanka Gabogebo laakiin ay macalimiintii diideen inay tagaan sababo la xidhiidhka jidka deegaanka taga oo ah mid adag.

Wasaaradda waxbarashada ayay idaacadu sheegtay inay qorshaysay inay deegaanka u dirto qof ka soo jeeda oo buuxiya gaabka waxbarasho ee  banaan, “Waxa naga go’an inaanu macalimiin u helno iskuulada deegaanka waqooyi ee ay ka mid yihiin Faqaayuub, Ceel-dheer, Gegebogo, Kalbare iyo Booraamo. Dugsiyadaasi waxay ka koobanyihiin laba fasal amaba hal fasal.” Sidaas waxa tidhi wasaaradda wabarashada oo intaas raacisay in macalin ay u diri doonaan deegaanka Gebogebo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here