Tan iyo intii Dawladii Maxamed Siyaad Barre ee labaatanka sanadood jirtay ee burburtay (a failed State) sanadkii 1991-kii, Somalia xukuumad La’aan bay noqotay. Dhowr jeer ayaa la isku deyay in la dhiso xukuumad dalka ku soo celisa nabad iyo dimuqraadiyad.
Xukuumadii Cabdilaahi Yuusuf ee Nairobi lagu dhisay maahee waxaa Jabuuti lagu dhisay xukuumadihii Cali Mahdi. Tii Cabdiqaasim Salad Xasan oo Cali Khaliif ku magacaabay Prime Minister.Labaduba waa jaamiciyiin heer sare ah muda yar kabacadi markay Wada shaqeeyeen ayey is khilaafeen. Cali Khaliif wuxuu ku biiray qabiilka Abgaal oo mucaarid u badnaa isagoo ka soo hor jeestay Madaxweynahiisii magacaabay, Qabiilkiisa Dhulbahantaha dhabarkuu u jeedayey oo tageeradoodi buu lumiyey. Baarlamaankii ayuu Cabdiqaasim mooshin hor geeyey Cali Khallif xilka lagaga xayuubinayo waana la ansixiyey.
Xukuumadii Sheekh Shariif ayaa marna Farmaajo ku magacaabay Prime Minister marna Cabdiweli ayaa dhamaystay xiligii Madaxweynanimada ee hore, mar labaad ayuu isa sharaxay kuma se guulaysan markuu xukunka ka dageyna nabadgelyo daradii iyo colaadii waa socdaan. Xukuumadii dhowaan la dhisay ee Xasan Sh Maxamuud Madaxweyne loo doortay isna Saacid Faarax Shirdoon Prime Minister-ka ku magacaabay wax badan lagama sheegi karo, inkastoo sida la sheegayo awoodii xukuumadu ku uruursantahay gacanta Madaxwaynaha. Haday runtahay shaqayn mayso. Waxay Soomaalidu tidhaahadaa far kaliyihi fool ma dhaqdo. Bal aynu sugno in Xukuumadani noqoto tii dhibaatada ka saari lahayd dalka iyo inay u fashilanto sidii kuwii ka horeeyey.