Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Tirada Qaxoontiga Yemaniinta Ah Ee Ku Sugan Somaliland

0
689

wasiirka

Hargeysa(Geeska):-Wasiirka wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in ilaa saddex kun oo qaxoonti muwaadiniin reer Yemeniyiin ahi ay soo gaadheen Somaliland, waxaana uu meesha ka saaray daryeel la’aan haysata qaxoontiga ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman oo ay sheegeen qaar ka mid ah hay’addaha u dooda xuquuqda Aadanaha.

Md.Cali Siciid Raygal, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Laanta Afka-Soomaaliga ee Idaacada BBC-da, waxaana uu sida oo kale sheegay in si fiican loo qaabilay qaxoontiga ka soo cararay dagaalada dalka Yeman, isaga oo carabka ku dhuftay in todobaad walba ay qaxoontiga reer Yeman ay si caadi ah uga so degaan dekada magaalada Barbera isla mar ahaantaan si fiican loogu soo dhaweeyo iyada oo xukuumaddu ka qeyb qaadato waxii taakulo ah ee ay karayso.  “Qaxoontigii wali waa socdaa, dagaalkii Yemen-na wali waa socdaa, todobaadkiiba dhawr goor bay yimaadaan  dekedda Berbera doonyaha iyo maraakiibta dadka qaxoontiga ah sida. Dadkaasi waxay iskugu jiraan dad u dhashay Somaliland,Somalia iyo dad Yemeniyiin ah iyo dad kale oo jinsiyado kale oo aan iyagu badnayn, mar walbana qaxoontigu wuu yimaadaa, si fiicana waa loogu soo dhaweeyaa dekada Berbera iyo guud ahaanba dalka.”.Ayuu yidhi Cali Siciid Raygal.

Wasiirka dib-u-dejinta Somaliland oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in qaxoontiga reer Yeman marka ay soo gaadhaan dalka gudahiisa la siiyo kaadhadh loogu talo galay, sida oo kalena ay xukuumaddu waxii karaankeeda ah ay la qabato, isaga oo sida oo kalena hay’addaha ku shaqada leh u soo jeediyey in ay si mug leh uga qeyb-qaataan taakulaynta qaxoontiga dalka Yeman.

"Waxii karaan ah ee loo qaban karo waa loo qabtaa, hay'addaha ku shaqada lehna waa aanu ku wargelinay in ay waxii karaan kooda ah ay iyaguna soo taakuleeyaan. Marka ay dekada ka soo degaana qaxoontigu waxaa la siiyaa Kaadhadh loogu talo galay in Laba cisho illaa sadex cisho wax lagu siiyo iyo baadhistu inta ay socoto lagu siiyo Berbera, waxaana la siiyaa kaadhka qaxoontinimada oo loo aqoonsanaadaa.".Ayuu yidhi Md.Cali Siciid Raygal.

Md.Cali Siciid, waxaa uu sida oo kale sheegay in qaxoontiyada aduunku ay leeyihiin shuruuc caalami ah isla-mar-ahaantaana qaxoontiyada Kaamam loo sameeyo haddii ay ka badan yihiin 5000 oo qof, waxaana uu tibaaxay in hada xukuumadda iyo hay’addaha kaleba ay ku taakulaynayaan meelaha ay joogaan iyaga oo haysta kaadhkoodii qaxoontiga.

"Horta waxa weeyaan marka hore qaxoontigu waxaa ay leeyihiin sharci caalami ah oo waxaa uu sheegayaa in marka ay qaxoontigu ay gaadhaan tiro ah ilaa shan kun oo qof in marka loo sameeyo Kaamam oo la dejiyo, laakiin intaa kale in kaadhka qaxoontiga la siiyo meeshii wax lagu tari karana lagu taro oo waa sharci iska caalami ah oo jira, hay'adda UNHCR waxaa ay noo sheegtay in marka tirada qaxoontinimada loogu talo galay ay u aqoon sanaan doonaan haddii Alleh idmo, se mudada kale waxaa ay haysanayaan kaadhka qaxoontinimada hay'adahuna waxaa ay siinayaan waxii ay siin karaan, xukuumaddu waxii ay ku taageeri kartana waa ay ku taageeraysaa. Dadka Yemeniyiinta ah ee dalka joogaa waa ilaa lix boqol oo qoys oo tirada dadkoodu marka la isku geeyo ay noqonayso ilaa saddex kun oo qof.”.Ayuu yidhi Md.Cali Siciid Raygal