Hooyo Saddex Caruura Ku Umushay Hargeysa

0
736

1111111111111

Hargeysa(Geeska)- Hooyo Nimco Miyir Xaaji ayaa waxay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ku umushay saddex caruura oo mataano ah, kuwaas oo kala ah laba hablood iyo wiil, isla markaana waxay bulshada reer Somaliland ka codsatay inay soo caawinayaan.  Xaalada Caafimaad ee Hooyada iyo Saddexda Caruura ee mataana ah ayaa xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.  Sidaa waxay Hooyo Nimco Miyir Xaaji ku Sheegtay mar ay maanta u waramaysay Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) oo ku booqday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.  Ugu horeyn mar la weydiiyay Hooyo Nimco Miyir Xaaji  goorta ay umushay iyo tirada Caruurta, waxay ku  jawaabtay oo ay tidhi “Walaal waxaan umulay maalintii Khamiistii, taariikhduna ahayd 18/62015 ee aynu soo dhaafnay, duhurnimadii oo waxaan umulay saddex Caruura oo mataano ah oo kala ah laba hablood iyo wiil”.  Mar la weydiiyay Xaaladeeda Caafimaad sida tahay Hooyo Nimo Miyir Xaaji ayaa, ayaa waxay ku jawaabtay oo tidhi “Caloosha ayuunbaa I xanuunaysa, ee sida kale waan iska wanaagsanay, waanan fiicanahay, saddexda caruura xaaladooda caafimaad way wanaagsan tahay ILAAHAY mahadii”. Sidoo kale, Mar la weydiiyay Hooyo Nimoc Miyir Xaaji inay ogayd inay umuleyso Saddexdan Caruura ee Mataana ah iyo in kale, waxay ku jawaabtay oo ay tidhi “Waxaan is ogaaday markaan bishii toddobaad ahaa inaan Saddex Caruura oo mataano ah aan sido, oo Computer-ka ayaa I sheegay,” Waxa kale, oo la weydiiyay Nimco Miyir Xaaji inay tahay markli ugu horeysay ee ay Caruur mataano ah ay umusho, waxay ku jawaabtay oo ay tidhi “Waa markii ugu horeysay ee aan umulo Caruur mataano ah, oo weliba saddex caruura ah,waana ILAAHAY mahaddii inuu I siiyo nimcadan” Hooyo Nimco Miyir Xaaji waxay Sheegtay inay degen tahay Duleedka Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda la yidhaahdo Xeedho.  Sidoo Kale, Waxaan weydiiyay Nimco Miyir Xaaji waxay ka codsanayso bulshada reer Somaliland, waxay ku jawaabtay oo ay tidhi “Waxaan ka codsanayaa bulshada reer Somaliland wixii ay ugu soo caawinayaan ee ay kari-karayaan inay igu soo caawiyaan”. Digtooreyso Hodan Cabdilaahi Ducaale ayaa waxay Shabakada Wararka ee Hayaannews wax ka weydiisay waxa sababa inay Caruur mataano ah oo ka baddan laba inay dhashaan? Waxay ku jawaabtay oo ay tidhi “Sideeda-ba mataanaha haddii aynu cilmiyan u eegno, ilmaha yari waxa uu ka yimaada hooyada iyo aabaha, waxaanay hooyadu soo deysaa ugxan (Egg), aabuhuna waxa uu soodaayaa (Spem-ka),markay labadaasi isku tagaan ee ay dhacdo bacrimiintu ayuu sameysmaa ugxantu (Egg-gu). Mar waxa dhacda inay hooyadu soo deyso laba ugxanood,waxaana bacrimiya hal Spem oo kaliya ama laba Spem,Markaa waxaa halkaasi ka imanaya laba  caruura oo mataano ah. Wax dhacda iyada oo hal ugxan oo kaliya ay tahay inay laba u qeybsanto, kadibna ay bacrimintu dhacdo, taasina waxay keenta mataanaha. Markasta mataanuhu waxay ku xidhan yihiin hooyada, ee kuma xidhna aabaha. Inay hooyadu laba ugxanood ay soo deyso waxa keena inay qoyskeeda ay ka hido sidato, wixii hal ilmo ka baddan inay hiddeysanayso, waxa kale oo ka qeyb-qaata in qalabka casriga hooyada ugxanteeda iyo aabaha Spem-kiisa la isku geynayo oo hooyada ilmo lagu dhex beero, taasi way ka qeyb-qaata inay laba ama saddex mataano ah noqdaan.Waxaana la yidhaahda inay hooyaddu saddex caruura oo mataano ah ay dhasho waxa keena 75% (Boqolkiiba shan iyo todobaatan) marka qalabka casriga ah hooyada ilmaha lagu dhex-beerayo, taasana ugu baddan”. Maaha markii ugu horeysay ee caruur mataano ah oo Saddex mataano ah ama ka baddan inay Somaliland ku dhashaan, balse waa wax dhif-dhifa in la arko hooyo mar kaliya wada umusha saddex Caruura oo mataano ah ama Afar Caruura oo mataano ah, laakin waa wax yar oo mar mar dhacda ILAAHAY qud-radiisa.