Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Baadhayso Dugsi & Jaamacad Uu Hore Madaxweyne Muuse Biixi U Amaanay Shaqada Lagu Hayo

0
652

Dadweynaha qaarkood, ayaa siyaalo kala duwan u sheegay in labada Goobood lagu hayo wax Diinta Islaamka Lid ku ah

Hargeysa (Geeska) –  Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa sheegtay inay baadhitaan ku samaynayso dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo ku yaalla Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa, kuwaasi oo Dadka reer Somaliland qaarkood ku eedeeyeen in lagu qabto hawlo ka dhan ah Diinta Islaamka.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Shalay War-saxaafadeed soo saartay ku baahisay bogga ay ku leedahay Facebook, ayaa waxay ku sheegtay inay baadhayso Iskuulka Abaarso oo Ardayda ka aflaxda loo diro Jaamacado Dalka dibeddiisa ku yaalla iyo Jaamacadda Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Hargeysa, taasi oo toddobaadkii hore ay ka qalin-jebiyeen Dufcaddii ugu horraysay oo bartay Macalinnimo.

Wasaaradda ayaa War-saxaafadeedkeedu u qornaa sidan “Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso, iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka.”

Qoraalka Wasaaradda ayaa intaa sii raaciyey “Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani.”

Wasaaradda ayaa qoraalkan soo saartay, ka dib markii Dadweyne faro badan ay tuhunnada la xidhiidha Dugsiga Abaarso ee ku yaalla Tuulada Abaarso ee Galbeedka Hargeysa iyo Jaamacadda Barwaaqo ay kaga fal-celiyeen Baraha Bulshada, iyagoo codsaday in Dawladdu arrintan soo faro-geliso oo bulshada xaqiiqada loo soo bandhigo.

Sidoo kale, Dawladda ayaa dhawaaqan ka hor, waxay Xidhay Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaasi oo siyaalo kala gedisan wax uga sheegay Dugsiga abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, ka dib iyo ka horba markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu amaanay Dugsiga Abaarso oo uu sheegay inuu keligii kormeer ku sameeyay isla-markaana uu soo ogaaday in wax wanaagsan ka socdaan oo Dadka iyo dalkaba dan u ah, halka Jaamacadda Barwaaqo-na sidaasi oo kale u amaanay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office