Soomaaliya Oo Beenisay Inay Soo Saartay Amar Ay Ku Carqaladaynayso Duulimaadyo Diyaarado Caalami Ahi ka Bilaabmayaan Somaliland

0
612

 Muqdisho (Geeska) – Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa beenisay inay diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia ka joojisay duulimaadyo ay doonayaan inay dib uga bilaabaan Somaliland.

Doraad waxa soo baxay Warar sheegaya in Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ah inaan labadaa diyaaadood duuliaadyadoodii dib uga bilaabi karin Hargeysa, ka dib markii ay fasaxday Somaliland, laakiin Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya oo warkaa daba socota ayaa beenisay, waxayna sheegtay in aanay soo saarin go’aan arrintaa la xidhiidha, inkasta oo ay su’aali ka iman karto inay awood u leedahay joojinta diyaaradahaasi iyo in kale, maaddaama oo Somaliland sheegtay in labada diyaaradoodba ay iyaga heshiis rasmiya la galeen.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya, ayaa u qornaa sidan “Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office