Xukuumadda Somaliland Oo Khiyaamo Qaran ku Eedaysey Musharraxiin La Raadinayo Iyo Kuwo Xidhan

0
572

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa 4 musharax oo mucaarad ah ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa magacaabay musharixiinta kala ah, Qaasim Aadan Saleebaan oo Waddani uga sharaxa gobolka Sool kuna xidhan Hargeysa, kubra X. Xuseen X. Maxamuud oo Waddani uga sharaxan Burco, Cabdiraxman Yuusuf Cali, oo Hargaysa uga sharaxan UCID iyo  Canab Cabdi Xirsi oo UCID uga sharaxan gobolka Sool.
Wasiir ka ayaa sheegay in afartan musharrax aanay aaminsanayn qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, isla-markaana ay suuragal tahay in ay dowladda Soomaaliya soo dirsatay.

“Afarta musharaxa ee aanu soo sheegnay, waxa loo haystaa in aanay Waddanka Somaliland aqoonsanayn iyo inay xidhiidh dhow la leeyihiin (Soomaaliya)..” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaa ku daray “Mararka qaarkood waxa loo fasiran karaa in loo soo diray in ay khalkhal geliyaan nabadgalyada iyo doorashada dalka..” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wasiir Koore wuxuu sheegay oo akle in aanay hadalkaa iska lahayn, balse Dawladdu hayso Caddaymo “Maaha waxaanu iska leenahay, ee waa wax caddayntooda la horgayn doono maxkamadda, waxayna ku eedeeysan yihiin in ay cadow u soo raaceen ummadda Somaliland oo maanta doorasho xasaasiya galaysa” ayuu yidhi wasiirka oo intaa sii raaciyey inay ku eedaysan yihiin khiyaamo Qaran.

 

Geeska.net/Hargeisa Office