Xukuumadda Somaliland Oo Ka Baaqatay Shirka Tana Forum Ee Itoobiya Lagu Qabto Oo Ay Ku Kulmaan Madaxweynayaal Badan Oo Afrikaan Ahi

0
674

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka baaqatay inay ka qayb gasho shirka ay ka qayb galaan madaxda qaaradda Afrika ee Tana Forum, kaas oo sannad kasta lagu qabto Itoobiya, doorkana lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo ah shir muhiim ah, ayaa waxa hore uga qayb geli jiray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Biixi Yoonis, kaas oo samayn jiray galaan-gal diblomaasiyadeed oo uu madaxda Afrika ugu soo bandhigo qaddiyadda Somaliland. Hase yeeshee sannadkan iyo sannadkii ka horeeyay ee uu xilka ka sii maqnaa ayaanay jirin cid Somaliland shirkaas uga qayb gashay, waxaanu Maxamed Biixi sannadkii 2016 shirkaas ka qayb galay isagoo muwaadin ah oo aan xil dawladeed haynin.

Shirka sannadkan oo uu ajandihiisa ugu weyni ahaa khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan qaaradda Afrika, ayaa waxa furay raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Shirka ay sannadkan Somaliland dayacday inay ka qayb gasho waxa goob-joog ka ahaa raysalwasaaraha Itoobiya, Madaxwenaha Ugaandha, Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Obasanjo oo ah guddoomiyaha Foramkan. Sidoo kale guddoomiye-xigeenka ururka Midowga Afrika Thomas Kwesi ayaa isna ka mid ahaa madaxda shirkaas ka qayb gashay.

Shirkan ayaa Somaliland u ahaa fursad ay madaxda ka qayb gashay ugu bandhigi kari lahayd qaddiyadeeda iyo faa’iidada ay Somaliland u yeelan karto Afrika haddii ay hesho aqoonsi rasmi ah, waxaanu ka mid yahay shirarka ay Somaliland kaga shaqaysan karto qaaradda Afrika maadaama oo ay ka qayb galayaan madaxweynayaal badan oo Afrikaan ahi.

Lama garanayo sababta ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo shirkaas oo ah fursad muhiim ah uga qayb geli weyday, waxase jira dad badan oo aaminsan in gaabis ku yimid aqoonsi raadiska wakhtigan Madaxweyne Siilaanyo xilka hayo marka la garab dhigo xukuumadihii ka horeeyay.