Xukuumadda Somaliland Oo Go’aamisay In Muqdisho Loo Masaafuriyo Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Wadanka Somaliya Oo Dhawaan Borama Lagu Qabtay

0
533

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamisay in magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya loo masaafuriyo Axmed Xuseen Xasan (Sitiin) oo ka mid ah Baarlamaanka Wadanka Somaliya oo ay ciidamada ammaanku dhawaan ku xidheen magaalada Borama. Mr. Sitiin oo Somaliland dhuumasho ku soo galay isagoo ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa lagu xidhay magaalada Borama toddobaadkii hore, waxaanay warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay xaqiijiyeen in xukuumadda Somaliland go’aamisay in loo masaafuriyo magaalada Muqdisho. Mr. Sitiin ayay ciidamada ammaanku ka soo qaadeen magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal, waxaana la keenay magaalada Hargeysa oo la filayo in maanta laga masaafuriyo lana saaro diyaarad tagaysa magaalada Muqdisho oo uu markii hore ka yimid.

Mr. Sitiin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland, ayaa ka soo degay madaarka Hargeysa, iyadoo uu badhasaabka gobalka Awdal Maxamuud Saleban Ramaax ku canaantay hay’adaha ammaanka sida uu ninkani dhuumashada ugu soo galay magaalada Hargeysa.