Xukuumadda Oo Xidhay Ugaas Reer Burco Ah Oo Ku Biiray Waddani

0
555

Hargeysa(Geeska)-Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye Ibraahim oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee gobalka Togdheer ahna Ugaaska Beesha Cimraan ayaa isagoo xidhan loo soo dhaadhiciyay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ciidamada ammaanku ka qabteen magaalada Burco.

Ehelada iyo qaraabada Ugaas Cabdiraxmaan, oo Geeska Afrika la soo xidhiidhay ayaa sheegay in Ugaaska loo xidhay ka dib markii isagoo horkacaya taageerayaal KULMIYE ka tirsanaa ay dhawaan ku biireen xisbiga Waddani, iyagoo xaflad ku qabtay magaalada Burco.

Ehelada Ugaasku waxay sheegeen in Ugaaska oo aan weli maxkamad la horkeenin ay xadhigiisa u arkaan mid siyaasadeed oo ka dhashay ku biiritaanka xisbiga Waddani isagoo horkacaya taageerayaal.

Wasaaradda arrimaha gudaha oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo xadhiga Ugaaska ayaanay u suurtogelin.