Somaliland: Suldaan 42 Maalmood Xidhnaa Oo Shalay Xorriyaddiisa Dib U Helay

0
765

Baki (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Shalay Xorriyaddiisa dib ugu soo celisay Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.

Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur oo xidhnaa Muddo 42 Maalmood ah, ayaa Shalay laga siidaayey Xabsiga dhexe ee Degmada Baki ee Gobolka Awdal.

Suldaanka, ayaa markii la soo daayey wuxuu u Mahad-naqay Saraakiisha Xabsiga dhexe ee Degmada Baki iyo Cid kasta oo ka shaqaysay inuu xorriyaddiisa dib u helo, isagoo markaa ka dibna Saraakiisha Xabsiga ku wareejiyey Neef Geel ah, si loogu qalo Ilaalada Xabsiga iyo Maxaabiista halkaa ku xidhan “Xabsiga Baki waxaan ka soo toosayey 42 Maalmood..” ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, waxaanu intaa ku daray “Maxaabiista waxaan ku wareejiyey Awrkaa ee iga gaadhsiiya..”

Suldaanku wuxuu u Mahad-naqay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo uu sheegay inuu u ballamiyey gabadh si gaar ah cuntada ugu karinaysay muddadii uu xidhnaa.

Illaa hadda lama oga sababta Xukuumaddu u xidhay Suldaan Ibraahim, isaguna hadalkii uu Shalay Saxaafadda siiyey kuma soo hadal-qaadin arrintaasi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office