Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Maxkamadaynayso Ciyaaryahannada Somaliland Ee Ka Qayb-galay Tartankii Maamullada Soomaaliya

0
573

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, ayaa sheegtay inay Maxkamad la tiigsanayso Ciyaaryahannada Somaliland u dhashay ee ka qayb-qaatay Tartankii Maamul-gobolleedyada Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo Shalay u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Cid kasta oo reer Somaliland ah oo ku ciyaarta Magac aan Somaliland ahayn waa Qaran dumis, waa Cid dhabarka ka toogatay Qaranimada Somaliland, hadday hore u dhacdayna Aqbali mayno, Qof kasta oo halkaa ka soo ciyaarayna waa dambiile, Qaranka oo Cafiya mooyaane, Cafiskana Madaxweynaha JSL baa bixin kara, Hay’adaha arrintaa u xil-saaran ee Xeer ilaalintu ka mid tahayna waa mid aanu u gudbin doono oo lagu maxkamadayn doono hadduu dalka soo galo, maaha inuu Maalina halkan ka ciyaaro, Maalina uu halkaa ka ciyaaro.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office