Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Tababbar U Furay 25 Xubnood Oo Kala Yimid Gobollada Somaliland

0
718

Hargeysa (Geeska) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa Shalay Magaalada Hargeysa ka furay Tababbar soconaya muddo saddex Maalmood ah.

Tababbarkan oo ku saabsan Tacadiyadda ka dhanka ah Dumarka iyo Carruurta, ayaa waxa ka qayb-galay 25 xubnood oo isagu jira Xeer ilaaliyayaal ka kala yimid Gobollada dalka, Xuquuqal iinsaanka Qaranka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adda Baahi-goob oo ka shaqaysa dhakhtarka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta qaabilsan baadhista Caafimaad ee Hablaha Dadka kufsiyadu ku dhacaan.

Ujeeddada ayaa ah sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka dambiyada kufsiga ah, baadhista, oogidda Dacwadaha yo shuruucda la xidhiidha.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan oo Tababbarkan furay ayaa hadal u jeediyey wuxuu ka warramay ujeeddada Tababbarkan iyo noocyada kufsiga ah ee dalka dhacay sannadkii tagay, waxaanu yidhi  “Sida aad la socotaan waxa dalka aad ugu soo batay kufsiga, sannadkii dhamaaday ee 2020 kiisaskii dhacay ee kufsiga ahaa waxay noqdeen 141 Kufsi, kiisaskaasi waxa ku jiray kufsi Wadareed, waxa ugu sii darnaa sannadkaa dhowr kiis oo ahaa kufsi uu la socday dil, taasi oo ah dhaqan ku cusub nidaamka dalka, dhaqanka dalka, ninkii oo dilaya gabadhii uu kufsaday, tas waxa loo arki karaa laba ujeeddo, iyadoo la doonayo in caddaynta kiiska la baa’biiyo, si aanay gabadhaasi ugu marag furin, marna waxa dhacda in xooggii uu isticmaalayey uu dhaafay xuduuddii xoogga dabadeedna marka gabadhii iska caabbidu uu dilo.”

Xeer-ilaaliyaha guud wuxuu sheegay oo kale “Inta badan kiisaska dilka ah hadday dhinacyadu ka heshiiyaan Qisaasta in qofkii la cafin karo, laakiin kiiskani wuxuu kaga xun yahay oo aynaan kaga ogolaanayn kufsi baa la socda, kufsigaa marna lama ogolaan karo in gorgortan laga galo iyo is-cafin oo dhinacyadu ay wax ku kala qaataan, si uu Ninkaasi u wajaho Caddaalad, arrintaa ha lagu baraarugsanaado Xafiis Xeer ilaalin ahaan, oo yaan laga ogolaanin in kufsi sidiisaba laga heshiiyo..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Labadii Tababnar waxaynu ka qaadanay Dambiyada ay Da’yartu galaan, kana wuxuu yahay Xoogga lagu galayo Sinadaas, waxa kale oo aynu is dul taagi doonaa dhaqan xun oo dalkeena ku soo noqnoqday oo ah wiil dhallinyaro ah oo la kufsanayo oo la xoogayo…”

Geeska.net/Hargeisa Office