Xukuumadda Oo Shalay Xabsiga Ka Sii Daysay Badhasaab-xigeenkii Dawladii Hore Ee Gobalka Togdheer

0
735

guuleedHargeysa(Geeska)-Badhasaab xigeenkii hore ee gobalka Togdheer Md. Guuleed Daahir Samatar, ayaa shalay laga sii daayay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu ku jiray laba toddobaad.

Si rasmi ah looma garanayo asbaabaha lagu sii daayay badhasaab xigeenka hore, waxase jira warar sheegaya in damiin lagu sii daayay, halka ay warar kalena sheegayaan in si dhammaystiran xorriyadiisa loogu soo celiyay.

Guuleed, oo hore ay ciidamada Boolisku uga soo qabteen goor habeen ah magaalada Burco, ayaa markii hore lagu xidhay magaalada Berbera, laakiin maalmo ka dib xorriyadiisa ayaa loo soo celiyay. Hase yeeshe markii uu qorshaystay inuu dib ugu noqdo magaalada Burco, ayay haddana ciidamada Boolisku ka soo qabteen kaantaroolka bari ee magaalada Hargeysa.

Xisbiyada mucaaradka iyo hay’adaha xuquuqal insaanka ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Guuleed oo ay sheegeen inaan loo marin sifihii sharciga ahaa.