Warancade Oo Sheegay In La Bilaabayo Qaadashada Waraaqaha Dhalashada Somaliland

0
1239

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa soo bandhigay xeer nidaamiye qeexaya sida loo qaadanayo jinsiyada Somaliland, waxaanu daboolkwarana ka qaaday in sida ugu dhakhsaha badan loo qaadan doono jinsiyada Somaliland.

Cali Warancade waxa uu sida oo kale daboolka ka qaaday in ay bixinta jinsiyadan iska kaashan doonaan wasaarada arimaha gudaha,komishanka iyo dawladaha hoose, waxaanu ugu baaqay muwaadiniinta Somaliland in ku dedaalaan qaadahsada jinsiyada muwaadinnimada si qofka uu u helo xaqa uu leeyahay.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade kulan balaadhan oo uu u furay badhasaabada gobalada,maayarada iyo masuuliyiin kale. Waxa uu wasiirku ugu danbayntii digniin u diray muwaadiniinta aan ka faa’iidaysan qaadashada jinsiyadu oo uu sheegay inay lumin doonaan xaqa ay ku leeyihiin Somaliland. Waxaanu wasiirku hadalkiisa ku bilaabay “Muddo dheer wakhti umaynaan helin inaynu dadkeena siino jinsiyada ay kaga duwan yihiin dadka intiisa kale, taas oo ah in aynu bixino aqoonsi qofka loo aqoonsan yahay muwaadin, dadka intiisa kalena ay noqdaan laaji ama marti. Hawshani waxay wax badan ka taraysaa  ictiraafkeena mustqabalka in aynu nahay dal gaar ah,waxay wax weyn ka taraysaa in la aqoonsado qofka reer Somaliland meelkasta oo uu joogo, waxa dhici doonta marka aqoonsiga reer Somaliland dadka lagu siiyo muddo lix bilood ah in qofka aan haysan kaadhka dhalashada Somalilandnimada aanu xuquuq ku yeelan doonin dalkan, oo aanu gali karin magaalooyinka, waayo istabaha waxa lagu waydiinayaa kaadhadhka dhalashada, si loo ogaado qofka reer Somaliland ah iyo qofka kale, waxa kaadhkaas ku xidhnaan doona inaad macaamil la yeelato bulshada, sida baananka iyo dugsiyada, waxaanay noqon doontaa qofkii aan haysan kaadhkaasu in dhib badan ku iman doonto. Waxaanu halkan bulshada reer Somaliland uga soo jeedinaynaa, markaanu sheegno wakhiga la bilaabayo qaadashada jinsiyada Somaliland qofka ka habsaama inuu dhib badan kala kulmi doono, sidii uu u heli lahaa xuquuqda Somalilandnimada, sidaas awgeed waxaanu bulshada mii iyo magaalaba ugu baaqaynaa in si aan wakhtigu uga xidhmin ay markaanu ku dhaqaano ay u soo dheereeyaan.” 

Warancade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu halkan ku soo bandhignay xeer nidaamiye qeexaya sida loo qaadanayo jinsiyada iyo qofka qaadanayaa waxa uu yahay. Markaas waxaanu soo saarnay xeer nidaaminaya sida loo qaadanayo jiniysada Somaliland iyo kaadhaka dhalashada kaas oo  noqon doona astaanta kaliyaata ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay dalka Somaliland, waxaanu xeernidaamiyahani hirgalayaa bilawga bisha labaad ee 2014-ka. Fulinta xeerkan waxa ka qaybqaadan doona dhamaan haayadaha ku shaqada leh jiniyada Somaliland  oo ay ka mid yihiin asxaabta qaranka,komishanka iyo cidii kale ee xeerku uu xaq u siiyo.Waxaynu ognahay in aanay jirin cid aanu maanta hayno oo diyaar u ah inay inaga caawinayso diiwaangalinta jinsiyada Somaliland, sababobadan awgeed,sidaas awgeed dawlada Jamhuuriyada Somaliland waxay go’aan ku gaadhay mar haday tahay xil saaran qaranka Somaliland khaas ahaan wasaarada arimaha gudaha iyo haayadaha hoos yimaada  in laysku tashado oo hawshaas la hirgaliyo mudo lix bilood ah dhamaan gobalada dalka,waxaanay ku qabsoomi doontaa kharash ka iman doona qaadhaan dawladu bixiso,qaadhaanka ay dawladaha hoose bixiyaan iyo qaadhaan bushadu ay bixin doonaan oo ah in kaadhka marka uu qaadanayo qofku uu ku tabaruco 12000 SL ah oo ka yar laba doolar, waxaanu soo dhawaynaynaa hadii qaadhan bixiyayaasha dunidu ay ku darsanayaan wax qaadhaan ah.”

Ugu danbayntii wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday sidan“Waxa 15/02/2014 la baahin doonaa oo qandaraas lagu bixin doonaa dhamaan agabka lagaga shaqayn doono diiwangalinta dhalashada Somaliland,waxaanay ku keeni doonaan mudo bil iyo  badh ah, cidii ku guulaysataa qandaraaska keenida qalabka diiwangalinta dhalashada.Waxaanu diyaar u nahay wasaarada arimaha gudaha iyo komishanka oo si siman isku kaalmaynaaya aanu si dhaqso ah u soo saarno kaadhka dhalshada iyo kaadhka codbixiyayaasha oo aan filayno, anaguna maanta waanu bilawnay komishankuna markay soo diyaar garoobaan inaan isku nimaadno anaga oo is garab fadhina oo ay goobjoogna ka yihiin xisbiyada qaranku, lagu soo saaro jinsiyada Somaliland oo ah arin qiimo weyn u leh gooni isku taaga dalka Somaliland iyo in doorashooyinkeenu u dhacaan si xaq iyo xalaal ah oo aan dad aan Somaliland ahaynin uga faa’idaysan xaq aanay lahayn inay ka helaan Somaliland oo ah inay ka qaybgalaan doorashooyinka. Waxaynu maanta bilawnay inaynu dhaqaajino sidii dalka Somaliland jinsiyadiisa loo qaadan lahaa, dadkii xaq u lahaana  ay u qaadan lahaayeen, doorashooyinka mustaqbalka dhawna ay sidooda inoogu hirgalaan.”