Xukuumadda Oo Mabnuucday In Musharraxiintu Dabbaal-degyo Ka Sameeyaan Magaalooyinka Dalka

0
475

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa amar ku siiyay musharixiinta guulaystay in anay qabsan wax debbaal-dagyo ah.

Wasiir Kaahin ayaa joojinta debbaal degyada musharixiinta guulaysatay ku sababeeyay in la ilaalinayo niyada musharixiintii aan doorashada ku guulaysan iyo cod bixiyayaashii aanay musharixiintoodu guulaysan, sidoo kalena loo sugo amniga guud ee Qaranka.

Wasiirka oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo arrmahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaynu doonaynaa in aynu ilaalino niyada iyo degenaanshaha dadkii shacabka ahaa ee doorashadan codkooda dhiibtay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaynu doonaynaa in aynu ilaalino tiro 900 iyo dheeraad ah, oo doorashada ka qayb galay oo 3 doloolow 2 dalool dhacayaan, musharixiinta soo baxday codka ay ku soo baxeen raggii dhacayna qayb ayay ku leeyihiin”.

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay “Musharixiinta marka waxa la rabaa saaxiibbadoodii ay isku xisbiga ahaayeen, ee doorashadii ay wada galeen, ee kuwa soo baxay ay codkoodana ku soo baxeen in la ilaaliyo” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in debbaal dagyadu ay keeni karaan nabad-galyo daro sida darteedna loo bahanyahay in la joojiyo, wuxuna ugu baaqay xisbiyada iyo musharixiinta in ay ka fogaadaan wixii nabad galyada dhawici kara.

Geeska.net/Hargeisa Office