Nidaamka Dawladnimo Iyo Dimuqraadiyadda Dalkeena Ka Jira Soomaaliya Kama Jiraan…”

0
424

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka mid ah, Xukuumaddii horena ka soo qabtay xil wasiirnimo, ayaa tilmaamay in nidaamka dawladnimo kala dambaynta iyo dimuqraadiyada Somaliland ka jirta in aanay Soomaaliya ka jirin, waxaanu sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay inay aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland.

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland waa dal madax-banaan oo ka mid ah Caalamka, waxaynu leenahay wax kasta oo looga baahan yahay dal la aqoonsan yahay, iyadoo aan weli la ina aqoonsan baynu haddana buuxinay shuruud kasta oo looga baahan yahay dal la aqoonsan yahay, nidaamka dawladnimo kala dambaynta iyo dimuqraadiyada dalkeena ka jira Soomaaliya kama jiraan, oo waxaynu ognahay oo ka wada dheregsan inaynu Doorashooyinkeena u qabsamo nidaam dimuqraadiyada, halka Soomaaliya aynu la socono in ilaa hadda aanay qabsan Doorashooyinkii, waliba qaabka aynu u qabsano uma qabsadaan..”

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in mar kasta nabadgalyada la ilaaliyo, lagana dheeraado wax oo nabadgalyada waxyeelo ku ah.

Geeska.net/Hargeisa Office