Xukuumadda Oo Loo Jeediyey Inay Si Dhaw Ula Socoto Arrimaha Ka Socda Geeska Afrika

0
548

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa tilmaamay in aan la xaqiri karin jiritaanka Somaliland, waxaanu xusay in xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar ee salka ku haysa Webiga Niil in dhinaca laga soo galinayo Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xiisadda  ka taagan Webiga Niil ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar, ayaa iyadoo dano gaar ah laga leeyahay la rabaa in Somaliland dhinaca laga soo galiyo, isla-markaana si toos ah la iskaga hor keeno Waddamada Somaliland iyo Itoobiya, laakiin Somaliland mar walba waxaa u habboon inay danteeda eegato, kana feejignaato wax kasta oo lid ku ah, Xukuumadda Somaliland waxaan kula talinayaa inay fiiro gaar ah u yeelato arimaha ka socda Geeska, kana feejignaato wax kasta oo lagu dagi karo, taxadirna ka yeelato, arintan Itoobiya laga sheegayana wali war rasmiya kama hayno”.

 Mar uu ka hadlayey qaranimada Somaliland ayuu yidhi “Sannadkii 1960 ayey Somaliland xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska, Somaliland waa Waddan xor ah, haddii aynu xorriyaddii kala soo noqonay Soomaaliyana macnaheedu maaha inaynu wali Soomaaliya ka mid nahay, ee Itoobiya iyo Eriteria ayaa kala go’ay oo Maanta kala ah laba dal, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa kala go’ay, oo Maanta kala ah laba dal, walibana Somaliland iyada ayaa xornimada uga horeeysay Soomaaliya, markaas sidii aanu walba dawladnimada ugu soo dedaalnay, oo iyada oo aanay cidina naga caawin aanu u noqonay dal iyo dad isku tashaday, ayaanu haddana u rabnaa in aanu helno aqoonsiga naga maqan”.