Xukuumadda Oo La Sheegay Inay Amartay Banaynta Guriga Cabdilahi M. Ducaale

1
534

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay amartay in awood dawladeed lagu baneeyo guriga madaxtooyada ku dhegan ee uu ku jiro wasiirkii khaarajiga ee xukuumadii hore Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Wasiirka hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa hore u amray in gurigaas la baneeyo, laakiin amarkaasi ma hirgelin, waxaana la sheegay in Wasiir Xaabsade dhawaan wasaaradda daakhiliga iyo taliska booliska ka codsaday in gurigaas loo baneeyo xukuumadda, maadaama oo aan la fulin amaradii hore uu u soo saaray ee ku waajahnaa banaynta gurigaas. Mar aanu isku daynay inaanu wasiir xaabsade wax ka weydiino arrintan nooma ay suurtogelin, waxase la ogyahay inuu wasiir Xaabsade hore u beeniyay inuu amar ku bixiyay in gurigaas la baneeyo, laakiin warbaahinta ayaa soo bandhigay qoraalka rasmiga ah ee uu wasiir Xaabsade hore uga soo saaray guriga uu ku jiro Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Cabdillahi Maxamed Ducaale, ayaa la sheegay inuu hadda magaalada Hargeysa u joogo arrinta la xidhiidha gurigiisa oo ay xukuumadu doonayso in laga wareejiyo.

Comments are closed.