Madaxweynaha Taiwan Oo Sheegtay In Xidhiidhka Somaliland Iyo Ka Dalkeedu Midho-dhalayo

0
651

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa ka hadashay xidhiidhka Saaxiibtinimo iyo Diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo dalkeeda Taiwan.

Madaxweyne Tsai Ing-wen oo daba socota kulan uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi toddobaadkii hore Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa Allen C. Lou, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay aragto iskaashiga Somaliland iyo Taiwan oo midho-dhalaya.

Haweenayda Madaxweynaha ka ah Taiwan Tsai Ing-wen oo qoraal kooban ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka  ayaa iyadoo toos ula hadlaysa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay qoraalkeeda ku tidhi  “Madaxweyne Muuse Biixi, waxaan ku faraxsanahay inaan arko Iskaashigeena oo midho-dhalaya, inooga ah dalal dimuqraadi ah.”

Madaxweyne  Tsai Ing-wen waxa kale oo ay sheegtay in Mustaqbal ifayaa ka horreeyo Somaliland iyo dalkeeda “Mustaqbal ifaya ayaa ka horreeya Taiwan iyo Somaliland…”ayay sheegtay.

Somaliland iyo Taiwan ayaa horraantii sannadkan samaystay xidhiidh diblumaasiyadeed, kaasi oo koraya isla-markaana gaadhay in mid walba midka kale ee Caasimaddiisa ka furto Xafiis Wakiileed.

 Geeska.net/Hargeisa Office