Xukuumadda Oo Ka Gabatay Xuska Shuhaadada SNM, Farriinta Maxamed Kaahin Iyo Dareenka Xildhiban Nacnac

1
586

 

nacnacHargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay ka baaqsatay inay ka qayb gasho munaasibad lagu xusayay sannad guurada 28aad ka soo wareegtay  maalinta loo asteeyay maalinta shuhahaadadii SNM ee dalka xoraysay, waxaana baaq arrintan la xidhiidha u diray  Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed

 

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Hoggaankii garabkii Milatari ee SNM, wuxuu ka hadlay qiimaha ay maalintani leedahay, “Waxaanan u ducaynayaa intii ka shahiiday mujaahidiinta oo aynu leenahay ILAAHEY naxariistii jano ha ka waraabiyo, waa shuhado xaq darro ka soo dagaalantay , maalintan waxa aynu iskugu soo min guurinay in la xuso dhamaan shuhadadii SNM.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Inkasta oo aanay maalin wada dhimanin ee ay maalmo kala jaad ah wada dhinteen, maalinta waxa loo qaatay waxa ka mid ahaa dadkii maalintaa shahiiday Maxamed Xaashi Lixle oo ah ragii ugu qiimaha dheeraa ugu taariikhda dheeraa ugu halganka adkaa ee gudaha ka soo bilaabay ayaa ka mid ahaa ragii shahiiday,”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Maxamed Kaahin oo ka hadlayay taariikhdii xuskan wuxuu yidhi “Waana maalintii ay tiradii ugu badnayd ay goob ku wada dhimato, waana maalintii ay dhawr iyo labaatan kale meel ku wada dhimatay, dabadeedna dhawr iyo kontonkaa Mujaahdi lagu wada aasay meel isku wada mid ah. Dhaqdhaqaaqii wadaniga Soomaaliyeed ee 1981-kii aasaasmay iskamay aas aasmin ee uu waxa uu u aas aasmay duruufo, waxaanaynu duruufahaasi kala mid ahayn jabhada badan oo nooceena oo kale ah oo dunida oo dhan ka abuurmay, waxaana jabhadaasi waxa ay ka dagaalamayeen u dheeraa dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed xabaalo wadareedyadan ilaa imika la helo ee ilaa inta u dhaxaysa Gabiley iyo Ceerigaabo laga helo, kuwaasi ayaa ka gaar ahaa ee wax umadda Soomaaliyeed oo dhan lagu wada sameeyey may ahayn ee wax cid gaar ah loogu talo galay ayey ahaayeen.”

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE waxa uu sheegay in cawaaqib xumadii ka dhalatay cadaadiskii Taliskii Siyaad barre ku sameeyay shacbiga Somaliland ay natiijadeedii wali haysato Soomaaliya, waxaanu yidhi “Cawaaqib xumadii ka dhacdayna waa ta Somaliya haysata, SNM waxyaabaha ay taariikhda ku lahayd waxa ka mid ahaa cawaaqib xumadii koonfur ka dhacday, midhaha iyo nabada Somaliland lagu naaloonayaana waa mid ay iyadu horseed ka ahayd, Lixle oo aan halkan sawirkiisa ku hayo waxa uu ragii ugu hor talaabay ee aqoonta la biday, markii 1977 dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ka qarxay ee diyaaradaha caalamku galeen warshadihii dibadaha lagu sameynayey Gabiley ayuu ka dhigay xaruntii warshadaha lagu sameynaayey, waxaanay abaal marintiisii noqotay kacaan diid baad tahay, dabadeeto halkaasi ayey SNM ka aas aasantay.”

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu xukuumada ugu baaqay inay ka qeyb gasho munaasibadaha lagu xusayo halgankii dib u xoraynta dalka, waxaanu yidhi “Waan ka xumahay waxa ay ahayd inay xafladan Wasiirrada Xukuumaddu joogaan lagama maarmaan ayey ahayd, waxaanan Madaxweynaha leeyahay maalintan 17 October xukuumaddu waa inay joogtaa oo ay ka muuqataa”.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka dayriyey nolosha qoysaska Mujaahidiinta, oo uu sheegay inay ku nool yihiin.

Xildhibaan Nac-nac, waxa uu sheegay in la dhayalsaday Mujaahidiintii SNM oo ay ahayd in siddooda loo ixtiraamo isla-markaana qoysaskooda daryeel fiican loo sameeyo, waxaanu sheegay inay xarunta baarlamaanka hooyooyinka Mujaahidiintii SNM oo cabanaya “Waxa aan leeyahay nimankii Mujaahidiinta ahaa waa la dhayalsaday oo cidlaa lagaga tagay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “ Hooyooyinkii masaakiinta ahaa  waa laga tagay oo waxay noogu yimaadaan baarlamaanka hortiisa”

Xildhibaan Nac-nac, waxa uu intaasi ku daray “Afar bay dhashay (hooyo uu tusaale u soo qaatay) oo saddexd baa dhintay kii u hadhayna wuu waalan yahay ayay ku odhanaysaa, wallaahi maalintaa qaddayn-maysid”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu ku baaqay in dadkaasi wax la taro “Waxaan leeyahay dadkaasi waa la dhayalsaday ee wax la loo qabto  oo wax ha la taro”

Guddoomiyaha Jimciyada mujaahidiinta ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed iyo Ibraahim Raage Maxamed, ayaa isna halkaas ka hadlay.

Comments are closed.