Xukuumadda Oo Ka Damqatey Hadal Sheekh Aadan-Siiro Kaga Waaniyey Iibka Hantida Ma Guurtada Ah

0
466

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka damqatay Weedho uu Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) kaga hadlay Iibka Hantida Ma guurtada ah ee Ummadda ka dhexeysa.

1

Sheekh Aadan-Siiro, ayaa Khudbaddii Jimcihii Toddobaadkii hore ku soo hadal qaaday Iibka Dugsigii Haweenka Hargeysa ‘Hargeisa Women’s Club” isla-markaana waxa Xukuumadda ka waaniyey inay Iibiso Dugsiyada Waxbarashada Caasimadda, isagoo ku soo hal-qabsaday Dugsiga Sheekh Bashiir, laakiin, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa Sheekh Aadan-Siiro ku eedeeyay in Markii Xukuumaddu Maktabadda Gaandi u wareejisay gudaha Dugsiga Sheekh Bashiir uu Warbaahinta geliyey in Dugsiga Sheekh Bashiir la iibinayo, hasa-yeeshee, uu hadalka Sheekha u arko mid aanu wax ugu tareyn Maktabadda Gaandi ee uu ku kicinayey Duufaanno Mucaaradnimo oo Xukuumadda lid ku ah.

Wasiir ku-xigeenka Amniga oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Sheekh Aadan-Siiro waa Ninkii u doodayey Maktabadda Gaandi ee lahaa Maktabadda Gaandi Cid baa laga iibiyey, laakiin, halka la geeyay Maktabadda Gaandi waa Dugsiga Sheekh Bashiir, waxay khuseysaa Waxbarashada. Maktabadda Gaandi waxa Dugsiga Sheekh Bashiir in lagu wareejiyo u soo asteeyay Maayarka Caasimadda, waxa ku raacay oo Warqadda Ogolaanshaha na siiyey Wasiirka Waxbarashada, Madaxweynaha iyo Intayadii Wasiirrada ahaydna waanu ku raacnay. Waxaan la yaabay Sheekh Aadan markii horena wuu u doodayey Maktabadda Gaandi,”

Maxamed Muuse Diiriye oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Waxaan la yaabay, markii Maktabadda Gaandi la siiyey meel ka mid ah Dugsiga Sheekh Bashiir oo ah meel Waxbarasho oo ku habboon oo Ardaydu wax ka faa’ideysan karaanna wuxuu yidhi Sheekh Bashiir baa la iibiyey. Markaa waxaan garan waayay inuu markii hore Maktabadda Gaandi wax la doonayey inuu duufaan uu kicinayey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Sheekha waanu isku dheernahay oo Xil buu igu leeyahay, laakiin, markuu sidaa leeyahay (Sheekh Bashiir baa la iibiyey) hadalkaasi wuxuu ku socday Aniga iyo Maayarka Caasimadda, waayo? Maayarkuna wuxuu ahaa Ninka Maktabadda u asteeyay Dugsiga Sheekh Bashiir in loo raro, Aniga oo Wasiir ku-xigeenka Amniga ahina waxaan ahaa Ninkii daba socday Arrinta.”

Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland, waxa kale oo uu sheegay, “Masaajidka ILAAHAY Cid aan ILAAHAY laguma xuso oo Cibaadaa loo tagaa, laakiin, Siyaasad lalama tago, waxaan odhanayaa Sheekh Aadan-Siiro hadduu Siyaasadda daneynayo Masaajidka haka soo baxo oo Golaha ha yimaaddo oo Xisbiyada haka mid noqdo.” Ayuu yidhi,

Sheekh Aadan-Siiro muxuu ka hadlay oo Xukuumaddu ka damqatey ?

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbad kasta oo uu jeediyo Maalmalaha Jimcaha kaga hadlay Danta Guud iyo Xaaladaha kala duwan ee Dalka Somaliland, ayaa Jimcihii Toddobaadkii hore waxa uu si gaar ah ugaga hadlay Hantida Ummadda ka dhaxeysa ee Xukuumaddu iibisay ama doonayso inay iibiso, waxaanu ku soo soo hadal qaaday Iibka Dugsigii Waxbarashada Haweenka ee Hargeysa iyo meelo kale oo Dugsiga Sheek Bashiir ka mid yahay.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlaya Jimcihii la soo dhaafay, ayaa yidhi, “Ismaanu lahayn Hargeysa ayaa lagu kala tagi, Ismaanu lahayn Dugsiyada Carruurta ayaa la iibin, Ismaanu lahayn Dugsiga Waxbarashada Dumarka “Women’s Club” ayaa la iibin, ismaanu lahayn waxa la isku qabsan boqolka Guri ee Mid walba Jaamacad uu noqonayo ama uu Dugsi sare noqonayo, ama haddii Dalkan la ictiraafo uu mid walba noqonayo Safaarad, ayaa koox inoo heshiisay ay qaybsan doonaan ismaanu lahayn.”

Sheekha oo sii hadlaya, ayaa sheegay in Shacabku ku wada jiro dunuubta ka dhalata iibka Hantida Ummadda, maaddaama oo Xukuumadda lagu daawanayo, “Waynu ku wada jirnaa (Dambiga dalka ka dhacaya) haddaynu Marag ka nahay Dugsigii Dumarka Hargeysa oo ay dhiganayeen 1200 oo Hablood oo la iibiyey. Imika waxay mareysaa Sheekh Bashiir, macnaha Xaaladdu waxay mareysaa wixii Taliskii Dalka ka tagay uu ka xishooday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xaaladdu ku socoto in Xukuumaddu iibiso Masaajiiddada markay dhammaadaan Dhulka kale ee Danta Guud, “Marka Dhulka Ummadda ka dhexeeya la dhameeyo waxay imanaysaa Masaajidka, ee intaydaan Iibin Annagaa iibin, ileyn way imanaysaa.”