Xukuumadda Oo Joojisay Siminaar Hargeysa Ka Socday Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Amray In Kooxda Wadatay Dalka Laga Masaafuriyo & Arrimaha Lagu Haysto

0
517

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa amartay in dalka laga saaro koox dhawr qof ka kooban, kuwaas oo Hargeysa ku qabtay siminaar.

Kooxdan oo ka soo kicitintay Yurub, kana kooban dhawr qof oo uu mid ka mid ahi u dhashay Somaliland, dhawr u dhashay dalka Somaliya iyo gabadh ajaanib ah ayaa Hargeysa yimid toddobaadkan, waxaanay 16 April ku qabteen siminaar ku saabsan arrimaha caafimaadka, waxaana siminaarka furay wasir-xigeenka caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil.

Hase yeeshee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo hay’adda sirdoonka qaranka ayaa shalay si kedis ah u joojiyay siminaarka oo ku qabsoomay mid ka mid ah hoteelada Hargeysa, waxaanay wasaaradda qorshayntu joojinta siminaarkaas ku xidhiidhisay inaanay kooxdani wax ogolaansho ah u soo qaadan siminaarkan islamarkaana aanay wasaaradda ka haysan sharciyad urur. Sirdoonka qaranka ayaa amar ku bixiyay in kooxdaas si deg deg ah dalka looga saaro, iyagoo raacaya ogolaansho la’aanta wasaaradda qorshaynta islamarkaana aaminsan in hadalo kooxdan laga hayaa halis ku yihiin ammaanka qaranka.

Kooxdan ayaa markii ay Yurub ka soo baxayeen waxay iska soo duubeen muuqaal ay ku baahiyeen baraha ay bulshadu ku xidhiidho waxaanay sheegeen inay tagayaan dalkii hooyo ee Somaliya, iyagoo ku soo jeeday caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland. Mid ka mid ah oo u dhashay dalka Somaliya ayaa yidhi “Waxaanu u soconaa safar wadankiii ah mashruuca Hiil hooyo oo laga fuli doono wadanka oo dhan, waqooyiga Somaliya oo dhan hadday noqon lahayd Hargeysa, laascaanod iyo Garowe intaba.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Mashruucaas oo ay ku deeqday wasaaradda arrimaha dibadda Finland, loona ogolaaday saddex NGO oo Somali ah oo Finland ku nool, annagu waxaanu nahay weftigii labaad ee baxaya.”

Hadaladan ay iska soo duubeen ee ay Hargeysa  iyo Lascanod ku sheegayaan inay tagayaan qayb ka mid ah Somaliya oo ah waqooyiga Somaliya, ayaa lagu xidhiidhinayaa joojinta siminaarkooda iyo amarka mastaafurintooda.

Hase yeeshee waxa jira dedaalo la doonayo in lagu baajiyo joojinta siminaarka iyo weliba masaafurinta dadkaas, waxaana la sheegayaa inay cabasho u gudbiyeen madaxweyne-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici si uu uga baajiyo culaysyada la dul dhigay.

Beryahan dambe Somaliland ayaa noqotay dal iska furan oo xuduudihiisa ay dad badani soo galaan, halka waayadii hore gaar ahaan maamulkii Daahir Rayaale Kaahin ay adkayd in dalka si fudud loo soo galo.