Dawladda Sucuudiga Oo La Filayo Inay Xayiraadda Ka Qaado Xoolaha Soomaalida Mowsinka Xajka Ka Hor

0
606

Hargeysa(Geeska)-Waxa socda dedaalo badan oo culays saaraya dawladda Sucuudigu  si dawladda Sucuudiga loogu qanciyo inay dib u furto xoolaha Soomaalida ee ay xayirtay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in rajo aad u weyn lagu qabo in Sucuudigu xoolaha ka qaado xayiraadda ka hor moosinka xajka ee sannadkan, waxaana Sucuudiga loo gudbiyay natiijooyin lagu xaqiijinayo in xoolaha Soomalidu ka nabad qabaan xanuunka uu Sucuudigu sheegay inuu ka helay xoolo ka tagay gobalka Geeska Afrika, waxaanu Sucuudigu u soo diray Somaliland iyo Somaliya wefti xaqiiqo raadis ah, kuwaas oo ku qancay waxyaabihii ay la kulmeen eek u saabsanaa caafimaadka xoolaha Somalida.

Xoolaha ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, waxaanu Sucuudigu joojiyay dabayaaqadii sanandkii hore ee 2016, ka dib markii uu sheegay in Markab lo’ qaaday laga helay xanuun. Markabkaas ayaa ka tagay Somaliya, laakiin Sucuudiga ayaa xayiray dhammaan xoolihii Soomaalida oo ay kuwa Somaliland ku jiraan.