Xukuumadda Oo Isha Ku Haysa Siyaasiyiin Ka Mid Ah KULMIYE Oo Ku Sii Qul-qulaya Dubai Oo Ay Ku sugan Hoggaanka UCID

0
968

Toddobaad Gudihii waxa Dubai isugu tagay Hoggaanka Sare ee UCID iyo Siyaasiyiin aan ka qayb-gelin shirweynihii Kulmiye, lagana saaray Liiska Golaha Dhexe + Dareenada siyaasadeed ee jira

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka oo Toddobaadkii u dambeeyay si guud iyo si gaar gaar ah ugu safray Magaalada Dubai.

Dareenka Xukuumadda ayaa dibedda u soo baxay, ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ay isugu tageen Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Siyaasiyiintaas waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo labadooda iyagoo wada socda Toddobaadkan safar ku tagay Dubai.

Dalka Imaaraadka Carabta waxa isaguna hore u sii joogay Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar, waxa isna Shalay gaadhay dalkaasi Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Axmed Cabdi Muuse (Abyan).
Wararka ayaa sheegaya inay Wada-hadallo u socdaan Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Siyaasiyiintaa ka midka ah Xisbiga KULMIYE, balse aan hadda ku jirin Liiska Golaha dhexe ee cusub ee Kulmiye.

Musharraxa ku-xigeenka UCID ayaa doraad sheegay inaanu xilligan jirin wax wada-hadallo ah, laakiin ay dhici karaan “Waa wax dhici kara, wayna dhici jirtay, waanuna sugaynaa Wakhtigeeda Haddii Ilaahay idmo..” ayuu yidhi Prof. Abyan oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey inay Wada-hadallo u socdaan UCID iyo siyaasiyiinta Kulmiye ee cadhada kaga maqan Xisbigoodii.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya inay suurto-gal tahay in siyaasiga Maxamuud Xaashi iyo Siyaasiyiin kale ay ku biiraan Xubnaha u safray Dubai.

Waxa Xusid mudan inuu Magaalada Dubai ku sugan yahay Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) isla-markaana ay bishii hore kulan yeesheen Guddoomiyaha UCID oo xilligaa safar ku joogay halkaas.

 

Geeska.net/Hargeisa Office