Wasiir Ka Mid Ah Weftiga Madaxweyne Biixi Oo Oodweyne Ka Jeediyey Hadal Xambaarsan Farriin Siyaasadeed

0
857

“Mataano Ayay Ahaayeen Oodweyne iyo Gobolka Cagaaran Ee Gabiley, Maantana Madaxweynuhu wuu Idiin dedaalayaa, laakiin waxa ka horraysa..”

Oodweyne (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah Wefti uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Oodweyne, ayaa sheegay inay Mataano ahaayeen Magaalooyinka Oodweyne iyo Gabiley.

Wasiir Siciid Sulub oo hadalkiisu u muuqday mid siyaasadeed ayaa Dadweynihii soo dhaweeyay Weftiga Madaxweynaha kula kaftamay in Shalay ahaan deegaanku u ekaaday Gobolka Gabiley oo uu ugu yeedhay ‘Gobolkii Cagaarnaa’, isagoo sidoo kalena xusay inay Mataano ahaayeen, Maaddaama oo Oodweyne iyo Gabiley ka mid ahaayeen Gobolladii la bixiyey sannadkii 1963-kii.

Wasiir Siciid oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Reer Oodweynoow, Maanta waxaad u yar eg-tihiin Gobolkii Cagaarnaa ee Gabiley, markaa eegto Roogga, Doogga aanu soo marnay iyo Geella la eego, Gabiley iyo Oodweyne-na Mataanu ayay ahaayeen, markii Gumaysigu innaga kacay, 1963-kii Afartii degmo ee la bixiyey ee u horreeyay ee la bixiyey ayay ka mid ahaayeen, way kala hormareen, sababta ay u kala hor-mareena waan idiin sheegayaaye Shacabka deegaanka ayuun baa kala hormariyo Gobollada ee Dawladi ma kala hormariso.”

Wasiir Siciid wuxuu dardaaran u jeediyey Shacabka ku dhaqan Gobolka Daad-madheedh oo uu sheegay in Madaxweynuhu u dedaalayo hadday iyaguna dedaalaan “Reer Oodweyne waxaan u sheegayaa, laba Xaalo ku dedaala, Gobolkaa (Gabiley) dadkiisaa horumariyey, Qarankii hore iyo kana wax buu ka helay, imika waa la idiin dedaalayaa oo Madaxweynaha Maanta joogaa aad buu ugu dedaalayaa wixii Gobol ku horumari jiray in Daad-madheedh loo sameeyo, laakiin waxa ka horraynaysa Tacmiirta Dadka deegaanka u dhashay inay marka hore soo Camiraan, Bangigii baa imika la taagay, Maaliyaddii baa daba socota, Kastamkii baa daba socda, hawlo badan oo Dawladdu leedahay baa daba socda, Shaqaalahaa la qorayaa haddii Dakhli ku filan laga waayo oo la yidhaahdo Gobolku iskuma filna dee Baanka la rari kari maayee, laakiin waalla ina dacaayadaynayaa oo waxa la odhanayaa ‘Nimankii Baanka weyn loo dhisay maxay soo xereeyee’, markaa inaynu Gabiley la tartano ayaa loo baahan yahay.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office