Xukuumadda Oo Guddiga Doorasahda Ku Wareejisay 4 Milyan Oo Dollar Oo Hawlaha Doorashada Ah

0
660

Hargeisa(Geeska)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay guddooyimaha Koomishanka Doorashooyinka ku wareejisay  lacag dhan afar milyan oo doolar  oo ay ku sheegtay inay tahay dhaqaale  xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo hore u balanqaaday inay bixin doonto, isla markaana ay ugu talo-gashay in guddida doorashooyinku ku qabtaan hawlaha  qabyada ka ah.

1

Waxaanu gudddoomiyaha guddida doorashooyinka eng. Cabdiqaadir Iimaan kula wareegay lacagtaas kulan ka dhacay xarunta madaxtooyadda, kaas oo ay ugu horayn halkaasi ka hadashay wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu sheegtay inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan duruufkasta oo ka hor timaada qabsoomida doorashooyinka. Wasiir Samsam waxay tilmaamtay inuu madaxwaynuhu amar ku bixiyey in degdeg loo dhamaystiro hawlaha ka qabyada ah doorashooyinka isla markaana ay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxwayne Siilaanyo ay diyaar u tahay  inay bixiso kharashka  doorashada hadii qaadhaan bixiyaashu ka cago-jiidaan.

Ugu horayna wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay hadalkeeda ku bilawday  “Xukuumaddu waxay go’aansatay inay afartii milyan ee doolar ee ay balanqaaday inay ku shubto akoonka Koomishanka Doorashooyinka, haddii marka ay soo noqdaan ay qaadhaan bixiyayaashii doorashooyinka inaga caawin jiray ay waxba bixin waayaana dawladda Somaliland ayaa dusha u ridanaysa oo ay masuuliyada doorashooyinku saaran tahay, maadaama oo masuuliyadda ugu wayn ee ah in doorasho la qabtaa ay saaran tahay dawladda Somaliland. Sida xaqiiqada ah hay’adahaasi way inaga kaalmayn jireen doorashooyinka balse hadii ay dib u dhac ku ridayaan doorashada anagu aqbali mayno oo Madaxwaynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu amar ku bixiyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabto Insha Allaah”.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isagu xukuumadda kala wareegay dhaqaalahaasi isla markaana ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Maanta [shalay] oo sabti ah bisha October-na tahay 22 waxa uu koomishanka doorashooyinka qaranku halkan ku cadaynayaa inuu ka helay dawladda oo uu ka gudoomay jeeg dhan $4 milyan, kaas oo qayb ka ahaanaya ama ka mid ah dhamaystirka diwaangalintii aynu soo galnay oo ay ka mid tahay daabacaadii kaadhadhka iyo qaybintiisii iyo diyaar-garawga doorashadda soo socota”.