Suldaan Cabdillaahi Oo Bogaadiyay Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde

0
596

Hargaysa(Geeska)- Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi oo ka mida Madax-dhaqmeedka Somaliland, ayaa Hambalyo iyo Bogaadin  u diray Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga mucaaridka WADDANI Md. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo Shalay ay guddoomiyenimaddiisa ansixiyeen Ergooyin ka badan 630 Xubnood.

Suldaan Cabdillaahi waxa uu siddaaas u sheegay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxaannu sheegay inuu Hambalyaddaas mid la mida u dirraayo Murashaxa jagadda Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro sida geesinnimada leh ee uu Xilkaas isku dhaafiyay.

wwww

“Inkastoo aannan Xisbinna ku jirin oo dadkaygu saddexda Xisbiba ku jiraan, haddana waan Hambalyaynayaa Guddoomiyaha  Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, waxaan leeyahay Xisbi weliba sida uu noogu liso ayaa loogu hanbaynayaa. Runtii waan soo dhawaynayaa Xilkaas Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, waanan bogaadinayaa Murashaxa Madaxweyne ee WADDANI.” Siddaas ayuu yidhi Suldaan Cabdillaahi Laydh.