Guddiga Doorashada Oo Maanta U Socdaalaya Kulan Ay Addis Ababa Kula Soo Yeelanayaan deeq-bixiyayaasha

0
612

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si ula soo kulmaan dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

1

Guddoomiyaha guddiga doorashoyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo shalay ka hadlayay kulan madaxtooyada ka dhacay oo ay xukuumadu guddiga doorashada ku wareejinaysay 4 milyan oo Dollar oo qayb ka ah kharashaadka doorashada, ayaa wuxuu sheegay in xubno guddigooda ka tirsani la soo kulmayaan beesha caalamka  “Waxaanu bulshadda u sheegaynaa in xubno ka mid ah guddida doorashooyinka ay u amba-bixi doonaan dalka dibadiisa isla markaana ay la kulmi doonaan qaadhaan-bixiyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka”.

Xubnahan ayaa maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay kula soo kulmayaan dalalka deq bixiyayaasha ah.