Xukuumadda Oo Digniin Adag U Jeedisay Madax-Dhaqameedka Dalka Ee Kala Taageera Ururrada Siyaasadda

0
82

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin u jeedisay Madax-dhaqameedka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo Shalay saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in Madax-dhaqameedka siyaasadda ku milma ee ururrada qaar u xagliya lagula xisaabtamayo.

Wasiir Kaahin wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in madaxda dhaqanku kala taageeraan xisbiyada iyo ururrada dalka.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Qolada Madax-

dhaqameedka ah waxaan u sheegayaa cid kasta oo Urur u xaglinaysa kaan Madaxda ka ahay ha ahado hadduu doono waa cid u xaglinaysa Urur ama Xisbi.”

Wasiirka arrimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay “Wuxuu noqonaya Nin golaha siyaasada ee kubbada lagu ciyaarayo ee la isku suuldarayo, ee la isku feedhayo, ee la isku sabaaxadaynayo  ee la isku legdaayo Inuu u soo diyaar garoobo hadhow cudur-daar noqon mayso anigaa Suldaan ah oo cidba Ila hadashay.”  ayuu yidhi.