Burco (Geeska) – Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan millateriga Somaliland, kadib dagaalo labadii Maalmood ee u dambeeyay kooxaha Huwanta ahi ku soo qaadeen deegaano ka tirsan degmada Qori-lugud ee gobolka Buuhoodle. Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay xasaradda ka soo cusboonaatay deegaanka, isaga oo sheegay in dadka rayidka ah ee deegaankaas lagu soo duulay. “Waxaanu aad iyo aad uga xunahay dhacdada la dhacday deegaanka Qorilugud, ee lagu soo duulay dadka shicibka ah ee deegaankaas, duulimaadkaa aan sababaysnayn” ayuu yidhi Xirsi. Colaadda dib u soo cusboonaatay ayuu ku eedeeyay kooxo doonaya in la carqaladeeyo doorashooyinka soo socda ee Somaliland, isaga oo sheegay in la doonayo in wax loo dhimo nidaamka dimuquraadiyadda. Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay in uu ka qaybqaato difaaca Somaliland, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay gacana isku difaacaan, gacanta kalena ku codeeyaan. “Waxa muuqata in dagaal kaasi uu yahay mid qorshaysan oo la doonayo in lagu wiiqo qaranimada Somaliland, iyo hanaanka doorashada iyo ollolihii socday, waxaanu ugu baaqaynaa Xisbiga Waddani in ay is barbar taagaan ciidamada qaranka” ayuu yidhi Xirsi.

0
96

Burco (Geeska) – Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan millateriga Somaliland, kadib dagaalo labadii Maalmood ee u dambeeyay kooxaha Huwanta ahi ku soo qaadeen deegaano ka tirsan degmada Qori-lugud ee gobolka Buuhoodle.

Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay xasaradda ka soo cusboonaatay deegaanka, isaga oo sheegay in dadka rayidka ah ee deegaankaas lagu soo duulay.

“Waxaanu aad iyo aad uga xunahay dhacdada la dhacday deegaanka Qorilugud, ee lagu soo duulay dadka shicibka ah ee deegaankaas, duulimaadkaa aan sababaysnayn” ayuu yidhi Xirsi.

Colaadda dib u soo cusboonaatay ayuu ku eedeeyay kooxo doonaya in la carqaladeeyo doorashooyinka soo socda ee Somaliland, isaga oo sheegay in la doonayo in wax loo dhimo nidaamka dimuquraadiyadda.

Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay in uu ka qaybqaato

difaaca Somaliland, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay gacana isku difaacaan, gacanta kalena ku codeeyaan.

“Waxa muuqata in dagaal kaasi uu yahay mid qorshaysan oo la doonayo in lagu wiiqo qaranimada Somaliland, iyo hanaanka doorashada iyo ollolihii socday, waxaanu ugu baaqaynaa xisbiga Waddani in ay is barbar taagaan ciidamada qaranka” ayuu yidhi Xirsi.