Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Mawqif Cad Ka Istaagay Hirgelinta Heshiiska Badda Iyo Aqoonsiga Somaliland

0
147

Addis Ababa (Geeska) – Raysal-wasaarana Itoobiya Dr. Abiy Axmed Cali, ayaa ka hadlay sida Dawladdiisu ugu adag tahay fulinta heshiiska aqoonsiga iyo badda ee uu horraantii sanadkan la galay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.

Raysal-wasaare Abiy Axmed oo hor-tagay Golaha Baarlamaanka dalkiisa, ayaa ka jawaabay oo sharraxay su’aalo laga waydiiyey dhaqaalaha, nabadgalyada, diblomaasiyadda iyo arrimaha bulshada dalkiisa, waxaanu sheegay in Maamulkiisu aaminsan yahay in nooc kasta oo khilaaf ah oo ka jira Itoobiya lagu xalliyo hab  dhexdhexaad ah, maaddaama oo aanu qofna hadafkiisa ku gaadhi karin xoog iyo nacayb.

Abiy wuxuu yidhi “Isbeddel dhab ah ayaa dalkan looga baahan yahay, si aan u gaadhno tiigsigeena, taas awgeed waxaan wada-hadal la furnay ciidamada ka howlgala deegaanada Axmaarada iyo Oromada..”

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo hadalka uu u jeediyey Baarlamaanka dalkiisa ka dib qoraal ku baahiyey  bartiisa X ama Twitter-ka, ayaa sheegay in Itoobiya aanay marnaba ka laabanayn heshiiska badda ee uu la galay Dawladda Somaliland.

Wuxuu sheegay in Itoobiya mawqif cad ka taagan tahay inay gasho badda cas ee uu Somaliland heshiiska kula

galay “Itoobiya waxay doonaysaa inay si nabad ah ku gasho Badda Cas, waxayna arrintan ka taagan tahay mawqif cad..: ayuu yidhi Dr. Abiy Axmed Cali, waxaanu intaa ku daray “Uma baahnin dagaal ama xoog si aan u gaadhno hadafkayaga, waxaan door-bideynaa inaan u daba galno si macquul ah oo cadaalad ah..”

Hadalka Raysal-wasaare Abiy Axmed, ayaa imanaya Maalin ka dib, markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in heshiiska badda iyo aqoonsiga la fulinayo isla-markaana la dhamaystiray.