Xukuumadda Oo Cadaysay In La Fulin Doono Qisaasta Dadka Gacan Ku Dhiiglayaasha Ah Ee Jeelasha Ku Xidhan

0
618

Picture5 Picture5Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa cadaysay inay fulin doonto kiisaska dilka ah ee ay gacanta ku hayaan, iyadoo ku hanjabtay in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono fulinta qisaaskaas.

Wasiir ku xigeenka Amniga Cali Maxamed Cilmi ayaa mar uu ka hadlaayey Munaasibad loo qabtay Habeen hore saraakiil Boolis ah oo tababar dhamaystay sheegay inay dhisi doonaan Tiirarka lagu xidhi doono dadka la dilayo, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay. “Waxaan idiin sheegayaa in Dhamaan cidkasta oo Qarankan wax ka dishay lagu fulin doono dilkii, Tiirarkii toogashadana aanu dhisi doono.Ninka imika wax dila waxaa la yidhaa kuwii horeba waa la toogan waayaye Bari  baa la bilaabayaa.Tiirarkii Siinay ka taagnaan jiray ee dadka lagu toogan jirayna waanu Qodaynaa”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan idiin sheegaynaa cid cid kale xoog wax kaga haysan kartaa ma jirayso, hadday Dhul tahay,hadday Guri tahay iyo hadday wax kale tahay taasina ma dhacayso, waana dib u habaynta cusub ee Wasaaradda Daakhiliga iyo Hay’addaha Boolisku isla qaateen ee taasna ku bushaaraysta hadday gobol tahay iyo hadday Caasimadda tahayba”

Wasiirka isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Iyadoo hawlgalkiina socdo,laga bilaabo sannadkan cusub Liiska Ilmaha yare e aanu hayno, ama Magaalada ha joogo ama ha ka maqnaadee goor aanu qabanaba waanu qabanaynaa.waanu haynaa tiro koobkoodii daanta uu doonaba ha joogee”

Wasiir ku xigeenka Amaanka ayaa mar uu ka hadlalayey Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka waxa uu yidhi “Cuqaasha waxaan leeyahay Inanka yar ee cid dila ama dhib gaysta waa inaan lala bixin oo sidii inoo caaddada ahayd aan Qoyskooda lala qaybsan Qoonta ama Magta ee dhibaatadu Qoyskooda ku koobnaato”.

Wasiir xigeenka Amnigu waxa uu farriin u diray Bulshada Somaliland “Waxaan halkan farriin uga dirayaa Bulshada Somaliland oon leeyahay Way soo jeedaan Hay’addaha amaanka oo wasaaradda Daakhiliga iyo Ciidamadu ugu horeeyaan, waxay indho dheer ku eegayaan cidkasta oo nabad galyada khalkhalinaysa,mana u dulqaadan doono, haddii ay Inan yar tahay iyo hadday Cadaw shisheeye tahayba.waxaanu leenahay Ninkii hadhaw qoomamayn doonow ilmahaaga hayso, addigaana ku xigi oo Boolisku ku xidhi,magna ma leh Cid kasta oo Nabadgalyada waxyeelaysay oo Boolisku dilo” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo Magaalada Hargeysa laga dareemayo Hawlgalka ka dhanka ah Dhalinyarada rabshadaha samaysa oo aan wax dhib ah laga soo sheegin Magaalada tan iyo Markii Boolisku bilaabay ugaadhsigooda. Cuqaasha Maroodijeex ayaa sidoo kale wasaaradda daakhiliga u saxeexay inaan Mag la iska waydiin Dhalinyarada hawlgalka Booliska wax ku noqota.