Hargeysa: Gaadhi Taraaray Oo Duqeeyay Xarunta Xisbiga KULMIYE

0
706

Picture3Hargeysa(Geeska)-Gaadhi noociisu uu yahay kuwa raaxada ayaa shalay galab duqeeyay gidaarka xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Hargeysa.

Gaadhigan oo uu noociisu ahaa Cressida ayaa ka soo taraaray  dalcada dhinaca waqooyi ka marta xisbiga Kulmiye oo uu sii fananayay, waxaanu umiyay dayrka Xarunta Xisbiga Kulmiye. Ma jiro cid wax ku noqotay gidaarkaasi,. Haseyeeshee dhismaha ayaa waxa ka soo gaadhay khasaare aan badnayn.
Qaar ka mid ah dadkii ka ag dhawaa halka uu shilkaasi ka dhacay ayaa hadhwanaagnews u sheegay in ay arkayeen gaadhigan oo dib u soo taraaray isla markaana cuskaday gidaarka “Niyooow waxa aan marayay meel wax yar u jirta xarunta, waxaanan arkay gaadhigan oo sii gelaya xarunta kulmiye” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa.
Geesta kale gaadhi ka mid ah kuwa u kala goosha hawdka iyo Magaaladda Hargeysa ayaa isaguna ku dhici gaadhay meel dhinaca koonfureed kaga beegan jaamacada New Generation ee Magaaladda Hargeysa.
Gaadhigan oo uu qabtay gidaarka dhisme ku yaala Galbeedka Jaamacada New Generation ayaanay cidi waxba ku noqon, hasayeeshee waxa soo gaadhay khasaare. “Waxa aan u soconay dhinaca Idaacada, hadaba anaga oo wadada haysana ayaanu ka weynay gaadhiga Biriiga, halkan ayaanu nala galay oo ma jirto cid wax ku noqotay” ayuu yidhi darawalkii. Inta badan shilal kala duwan ayaa ka dhaca Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo sababa khasaare isugu jira naf iyo moodba.