Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Waraysi Lala Yeeshay Kaga Hadlay Hoggaamintiisa Iyo Khilaafaadka Gobalka

0
268

Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, ayaa waxa waraysi dhinacyo  badan taabanaya la yeeshay weriye Eskinder Fire oo ka tirsan idaacadda VOA, qaybteeda amxaariga, waraysiga oo ay Ingiriisi u turjuntay Idaacadda VOA qaybteeda Ingiriisida, ayaa waxa uu Wargeyska Geeska Afrika waraysigaas u turjumay Af Soomaali, waxaanu waraysigu u dhacay sidan:

Su’aal: Sanad guuradii koowad ee raysal wasaarenimadaada waxaad tidhi “qorshahaygu wuxuu yahay oo keliya inaan kor ugu qaado Itoobiya heer sare, baraarujiyo shacabka islamarkaana kor u hinjiyo dal madaxiisu hoos u fooraro. Ma jirto niyad xumo kale oo aan intaas ahayn oo aan leeyahay.” Maxaad uga jeeday hadalkaas?

Abiye Axmed: ma aaminsani inay haboon tahay in awoodda lagu sii dhegenaado mudo dheer. Inta aan awoodda hayona, waxaan qabaa inaan u isticmaalo si aan u bedelo nolosha dadka. Balse inta aan ku guda jiro dadaalka ku aadan keenidda is bedel, waxa dhici kara qaladaad- balse niyadayda iyo ficilkaygu waxaay ujeedaan in kor loo qaado Itoobiya.

Ajandahaygu maaha inaan isticmaalo kooxo gaar ah, inaan weeraro kooxo gaar ah, ama inaan riixo kooxo gaar ah ama cadaadiyo dadka. Waxa aan ku hawlanahay waaa shaqo kor loogu qaadayo Itoobiya. Taas ayaa ah waxaan rabo, waana taas waxaan qabtaaa.

Waxaan si kalsooni ah u odhan karaa inaan wax lug ah ku yeelan doonin dilka dadka ama inaanan uga faa’idi doonin sifo sharci darro ah aniga oo wax kala baxaya jeebabka dadka inta aan hogaanka hayo.

Suaal: fariintii aad u dirtay dawladda iyo dadka Eritrea xuskii Maalinta Madax-banaanida Eritrea waxaad sheegtay in Itoobiya diyaar u tahay oo ay ka go’an tahay in si wada jir ah wax looga qabto arimaha weli taagan ee labada dal hortaagan. Maxaay yihiin arimahaas weli taagani?

Abiy Axmed: haddii aynu soo qaadano dhibta ka dhex jirta Somaliya iyo Kenya, waxaannu doonaynaa Eritrea iyo Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya inay iska kaashadaan oo ay gacan iska siiyaan sidii arimahaas loo xaliyi lahaa. Waxaaynu ognahay in dhib kasta oo ka dhex jirta Somalia iyo Kenya ay nagu soo fidi karto. Sidaasdarteed, waaxanu doonaynaa inaanu ka wada shaqayno si loo xaliyo.

Koonfurta Suudaan waxa ka jira arimo aad u kala duwan. Ma qabno in Itoobiya keliya ay xaliyi karto dhibtaas. Sidoo kale weeye marka ay timaado dhibta ka dhaxaysa anaga iyo Eritrea.

Waxa sidoo kale jira dhibaatooyin ka dhexeeya Eritrea iyo dalal kale. Markaa gobolkani waa mid ay ka jiraan dhibaatooyin badan. Balse waxa intaas dheer, in gobolkani yahay mid doonaya inuu u dhaqaaqo dhinaca is dhexgalka.

Su’aal: xuduudda u dhaxasya labada dal (Eritrea iyo Itoobiya) ilaa maanta way xidhan tahay. Xaaladdu waa sidee hada?

Abiy Axmed: markii geedi socodka nabadda ee labada dhinac uu bilaabmay, waxaaynu aragnay in xuduudii laga furay labada dhinac ba si balaadhan. Waxaynu odhan karnaa dadku labada dhinacba way u qulqulayeen – ma ahayn sidii dalal shisheeye oo kale, balse dhaqdhaqaaqu wuxuu la mid ahaa kuwa ka dhex dhaca dal gudihiisa. Ma jirin badhitaan adagi. Dad badan ayaa halkan iyo halkaas ba u socday. Balse taas oo keliya ma ahayn. Xubnaha mucaaradka Itoobiya ee saldhigoodu ahaa Eritrea ayaa ku soo noqday Itoobiya, xubnihii mucaaradka Eritrea ee saldhigoodu ahaa Itoobiya ayaa iyana ku noqday Eritrea.

Waxa loo baahan yahay inuu jiro hanaan baadhitaan iyo hanaan kastam oo wax lagu hubiyo. Waxaanu markaas u baahanahay awoodaas si ay suurtagal u noqoto in la ogaado waxa ay dadku soo gelinayaan [dalka] iyo waxa ay ka saarayaan. Waxa jira walaac ah in hadii laga dhigo xadka meel furan oo aan waxba lagu baadhin inay adkaanayso in laga hortago dhibaatooyinka. Waxaanu doonaynaa inaanu hubino in hadii ay dadku ka tegayaan Itoobiya oo ay aadayaan Eritrea ama ay ka imanayaan Eritrea oo ay ku soo socdaan Itoobiya, inay u socdaan nabad, horumar iyo dalxiisa.

Su’aal: marka la eego dhinaca is bedelka Itoobiya iyo dib-u-habaynta shuruucda , dadka qaar waxaay leeyihiin hadii talaabooyinka la qaaday ay yihiin kuwo ku filan in la arki ahaa natiijadood. Balse maadaama oo talaabooyinka la qaaday aanay ku filnayn waxa aynu aragnaa waa isla arimihii hore u jiray oo iska sii socda. Maxaad kaga jawaabaysaa?

Abiy Axmed: dadka oo dhan waa in loola dhaqmaa si isku mid ah sharciga hortiisa. Waa inaaan marna loo isticmaalin aar goosi. Marka aynu ixtiraamno isku xukunka sharciga, waa inay taas waafaqdaa. Marka dawladdu ay qaado talaabo, waxa jira qaar odhanaya go’aankan waxa qaatay qof ka soo jeeda qoomiyadayda ama bulshadayda. Ilaa fekerka caynkaas ahi uu dhamaado ama dabar go’, waxaay halis gelinaysaa suurtagalnimada in la ilaaliyo isku xukunka sharciga.

 Sanadkii hore gudihiisa, waxa jiray dad badan oo ay ahayd in la xidho. Kumanaan ayaa xabsiyada ku jira oo ku eedaysan amniga qaranka, musuqmaasuq iyo baro-kicin iwm. Ma jirto baahi loo qabo in dad faro badan xaaladaas la geliyo, sababta oo ah waxaanu doonaynaa inaanu hoos u dhigno dembiga ee ma doonayno inaanu maxaabiis soo kordhino. Balse weli waxa jira dad dacwado kaga socdaan heer federal iyo heer gobol. Sababtu maaha inaanaan talaabooyin qaadayn, ee waxa sababtu tahay inaanu awoodda saarnay la dagaalanka dembiyada culculus. Dhinaca kale, hadii aynaan fahmin in sharciga lagu dhaqo dadkoo dhan si siman, ma yeelanayno mustabal waara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.