Dawladda Sucuudiga Oo Laga Cabsi Qabo Inay Xayiraad Saarto Geela Uga Dhoofa Wadamada Somaliland Iyo Somaliya

0
729

Picture5Riyad(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Sucuudiga ayaa laga cabsi qabaa inay xayiraad saarto geela dalkeeda uga taga wadamada gobalka Geeska Afrika, gaar ahaan wadamada Somaliland iyo Somnaliya, ka dib markii laga shakiyay in geelu qabo xanuunka MERS loo yaqaano.

Boqortooyada Sucuudiga oo ah wadanka xoolaha nool ee ugu badan looga dhoofiyo wadamada Somaliland iyo Somaliya, ayaa wuxuu ka shakisanyahay in xanuunka MERS loo yaqaano oo dilay dad badan ay suurtogal tahay inuu la socdo geela Geeska Afrika ka taga, waana sababta laga yaabo inay keento in Sucuudigu xayiro, ilaa inta ay hubinayaan in xanuunku geela la socdo iyo in kale.

Sarkaalka wasaaradda caafimaadka Sucuudiga madaxa uga ah golaha saynisyahanada  Mr. Tariq Madani, ayaa warbaahinta u sheegay inay golaha saynisyahanadu geela ku baadhayaan badda dhexdeeda ka hor inta aanu soo gaadhin dekedaha Sucuudiga. “Waxaanu qabnaa shaki ah in xanuunku la socdo geelaha ganacsi ahaan uga imanaya Geeska Afrika, laakiin weli maanu cadayn.” Ayuu Mr. Madani ku yidhi wakaaladda wararka ee Reuters.

Wuxuu intaas sarkaalkani raaciyay in go’aanka u dambeeya ee xayiraada Geelu u taalo wasaaradda beeraha ee Sucuudiga, “weli xayiraad rasmi ah lama shaacin, inkastoo ay dad ii sheegeen in arrintaas laga wada hadlayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu geel ka soo qaadanaa wadamada Geeska Afrika. Laakiin waanu joojinaynaa ilaa aanu warar dheeraad ah ka helayno inay bukaan iyo in kale.”

Xanuunkan loo yaqaano MERS ayaa waxa uu ku dhacay dad ay tiradoodu ku dhowdahay dhawr boqol oo kun oo qof oo Sucuudiyiin ah, waxaana u geeiryooday laba boqol oo ruux in ka badan. Wuxuu xanuunkani la nooc yahay xanuunkii ka dilaacay wadanka China ee SARS ee laayay dad tiro badan sannadkii 2003, waana sababta ay masuuliyiinta Sucuudigu uga walaacsanyihiin.

Talaabadan ayaa haddii ay dawladda Sucuudigu ku dhaqaaqdo, wuxuu dhibaato ku keeni doonaa dhaqaalaha Geeska Afrika, gaar ahaan dhaqaalaha Somaliland, maadaama oo uu Dekedda Berbera ka dhoofo xoolaha ugu badan ee Sucuudiga loo iib geeyo oo uu Geelu ka mid yahay.