Xukuumadaha Danaysiga Ah:- Axmed Adan Cali (Haybe)

0
883

maqaalKala fogaanshaha bulsho ee ay horseedaan hogaanada liita ee danaysiga ku dhisan , ayaa abuura niyad jabka bulshada.  Taasi oo keenta in Denbiyada iyo gefafkuna xadhkaha goostaan.

Isku dul noolaanshaha ayaa isna noqda mid aan xad iyo qiyaas lahayn. Waxaana shiikha isla markaana libidha isu naxariisashada iyo niyad wanaaga basharka ay xukumayaan.

Waxaa la isla qiray in xanuunada maskaxda ee badanaya ay sabab u yihiin inta badan  maamulada sharka ah ee dantooda danaysiga ah oo keliya ku mashquula, kuwaas oo daaqada ka saara horumar kasta oo ay higasnaayaan bulshadu.

Nidaamayadani waxay isku maaweeliyaan faan iyo erayo uu kibir ka buuxo oo ay warbaahinta ka tebiyaan. Waxay si khladan u adeegsadaan awoodaha dawladnimo ee bulshada ka dhexeeya iyagoon tixgelin shuruucda iyo xeerarka lagu heshiiyay. 

Waxay ku celceliyaan in dalku marayo wakhtigii ugu fiican iyagoo qiyaas ahaan ku cabira nolosha ay kooxaha maamulku ku jiraan.

“ Habartii docedeedii daruuro ku hooreen, dadka wada hel moodo, daad wararac bay tidhi”.

Tani waxay caalamad iyo astaan u noqota hadba meesha uu ka soo if baxo hogaan ka fog ku dhaqanka cadalaadda, sinaanta iyo isbadalka lagu dhisayo nolosha basharka ee uu weheliyo khayrka iyo waanaagu.

Culimada falsafadduna waxay si xeeldheer u darseen dabeecadaha dhaqan ee bini-aadamka iyo cilmi nafsiga, taasi oo si cad loo ogaaday inay ugu horayso rajo gelinta iyo noloshiisa in wax laga bedelo qofka aadamiga ah.

Culimada muslmiintuna iyagoo ka soo dheeganaya quraanka kariimka iyo sunaha ayay cadeeyeen inay tahay waajib saaran xukuumadaha in la ilaaliyo nolosha qofka muslinka ah  iyadoo taasi lagu helaayo sacaadada aduun iyo tan aakhiro.

Tiirarka Islaamka ee shanta ah, kan sekeda waxa Allah (SW) ugu talo galay 8 kooxood oo bulshada ka mid ah si loola dagaalamo fakhriga iyo kala fogaanshaha dhaqale iyo naca xiqdiga ku dhisan ee ka dhex abuurmaya kuwa ladan iyo kuwa haynta yar.

Waa halkaasi meesha ay shuuciyadu ku jabtay ee ay sida khaldan u fahantay , iyadoo rabtay inay xalisho kala fogaanshaha dhaqaale ee bulshada si aanay u abuurmin nacayb bulsho ayay u aragtay inay wanaagsan tahay in bulshada laga simo dhinac fakhriga, halka islaamkuna ka simayo dhinaca walaaltinimada iyo koboca dhaqaale.

Casrigii Amiir Cumar Binu Khadab , markii sekedii la waayay qof  muslin ah oo baahan oo la siiyo taasi oo ahayd koboca dhaqaale ee bulshada oo meel sare gaadhay ayuu soo jeediyay in masaajido lagu dhiso.

Halkaasi wax ka cad in Islaamku ahmiyadda koowaad siiyay basharka ee aanu siin dhismaha xataa Masaajidda iyo goobaha cibaadada iskaba dhaaf dhismayaal kale.

Waxa maamulka u wanaagsan inuu ahmiyadda siiyo hadba wixii mudan in bulshada ay noloshooda iyo dhaqaalahooda wax ka bedelayaan ee tabanaya. Waana tan aqoonyahanada maalmulku ku sheegeen (Management) baahiyaha asaasiga ah  ee basharka (physiological needs).

Tan aya keenaysa in hogaankaasi kasbado niyadda bulshada dhamaanteed markay ogadaan sida ay u danaynayaan kor u qaadka noloshooda iyo isbedelka dhaqaale, taasi oo ku kasban karo  ilaa kan ka soo horjeeday marka uu arko isbedelka ku yimi noloshiisa.

" ?????? ?????? ?? ???? ????? ??? ???? ?????? ??? ???????"

Haddiise hogaanku ka leexado dariiqa hogaaminta toosan una iisho kan danaysiga , wuxu noqonayaa mid shar mooyee aan khayr  u lahayn bulshada , nacaybka bulshaduna wuxu ku imanaya darqiiqa khaldan ee uu adeegsanayo kuna dhisan keli noolaanshaha iyo danaysiga gaarka ah.

Xilkii dadnimay gabeen

Xuquuq dadnimay rabaan

Dawgii noloshay rabaan

Inay shar ku daydayaan

Xumaan qof ku daalayaa

Wanaag damaciis hayaa

Dammiinka halkii ahayd

Siday uga soo durkeen …  (Hadraawi)

“ Hogaamiyaha wanaagasani wuxu kasbadaa niyadda cadawgiisa”

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

Axmed Adan Cali (Haybe) ahmed26june@yahoo.com