Maraykanka Oo 23 Sanno Ka Dib Safiir U Magacaabay Somaliya

0
524

Picture1Washington(Geeska/W.Wararka)-U qaybsamaha Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka Arimaha Siyaasada Soomaalyia Wendy Sherman oo shalay khudbad ku saabsan Soomaaliya ka jeedisay machadka lagu magacaabo  The United State Institute of Peace ayaa ka hadashay xaalada Soomaaliya iyo  xidhiidhka Maraykanka, iyadoo si qodo dheer uga soo sheekeysey Burburkii Soomaaliya ilaa maanta halka xaalku marayo. Waxay cadaysay in madaxweyne Obama go’aansaday inuu safiir u soo magacaabo Somaliya ka dib 22 sannadood, iyadoo uu Maraykanku waayadii hore magacaabi jiray ergey gaar ah.

Wendy Sherman Waxay sheegtey in Dowlada Maraykanka ay ka go’antahay caawinta Soomaaliya, ayna hada Soomaaliya ka caawiyaan waxyaabo badan, Siyaasada Maraykanka ee Soomaaliya waa mid cad ayay tidhi oo ku saleysan sadex qodob oo kala ah, Amaanka, Dhismaha Dawlad wanaaga iyo Horumarinta, Waxay Wendy Sherman sheegtey in Markii Maraykanku uu Dowlada Federaalka aqoonsadey in Madaxweyne Xasan Sheekh balan qaadey inuu sameynayo isbadal siyaasadeed uuna dhisayo kaabiyada Dowliga, Waxay sheegtey oo kale istaraatiijayada Maraykanka ee ku aadan kaalmeynta Soomaaliya taasoo ay tidhi waa mid cad, Waxqabad walba oo aan Soomaaliya u qabanayno waa inuu ahaadaa mid natiijo dhala, ayna kaabiyada Dowliga ah ee Soomaaliya ay ahaadaan kuwo shaqaynaya.