Madaxweynaha Oo Burco Kaga Qayb Galaya Ciyaarta Hargeysa iyo Hawd

0
608

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta Burco u tagaya ka qayb galka ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka gobalada Somaliland oo maanta ku qabsoomaysa magaalada Burco.

Ciyaartaas oo ay ku kulmayaan labada gobal ee Maroodi Jeex iyo Hawd, waxa la filayaa in Madaxweynuhu kooxda guulaysata guddoonsiiyo koobka tartanka gobalada Somaliland, waxaana Madaxweynaha magaalada Hargeysa ka raacaya xubno wasiiro iyo xildhibaano ah. Labada gobal ee Maroodi Jeex iyo Hawd ayaa la filayaa inay iskaga horyimaadaan ciyaar adag, waxaanay labadan gobal hore uga soo dabaasheen ciyaarihii adkaa ee ay gobaladu iskaga horyimaadeen. Labada tababare ee labadan gobol oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu mid waliba sheegay inuu ku dedaalayo in gobalkiisu hantiyo guusha gobalada Somaliland.