Hargeysa(Geeska)-Saddex sannadood oo buure ah ayaa laga joogaa maalintii 27 July 2010 Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, loo dhaariyay xilka hoggaaminta qaranka Somaliland. Si kale haddii loo dhigo maanta ayay hoggaamintoodu saddex jirsatay.
Mudadaas saddexda sannadood ah ee uu xukuumadda Siilaanyo/Saylici xilka haysay, waxa dalka soo maray duruufo kala duwan oo u badnaa kuwo siyaasadeed.
Siyaasadda gudaha
Mudadaas saddexda sannadood ah waxa dalka ka dhacay arrimo dhawr ah oo saamayn ku yeeshay siyaasadda gudaha ee wadanka. Waxaana dareenada siyaasadda gudaha ee dalka ka jira laga dheehan karaa Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu saddexdaas sannadood marayaa saddex wasiirul daakhili, kuwaas oo laba ka mid ah oo ahaa Maxamed Cabdi Gabose iyo Maxamed Nuur Caraale Duur, uu midkoodna xilka ka qaaday, midna uu isagu is casilay, xilligana waxa wasiirka arrimaha gudaha haya Md. Cali Maxamed Warancade oo ahaa wasiir ka tirsanaa xukuumadii Rayaale. Saddex taliye Boolis ayuu sidoo kale Madaxweynuhu marayaa saddexdaas sannadood. Md. Cilmi Rooble Fure, oo ahaa taliyihii u horeeyay ee uu magacaabay, xilka wuu ka qaaday, waxaanu u dhiibay Alle haw naxariiste Maxamed Saqadhi Dubad oo geeriyooday isagoo xilka haya. Maxamed Saqadhi Dubad, wuxuu ahaa taliyaha Booliska ee xukuumadii Daahir Rayaale, wakhtigana waxa xilka haya Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo wakhtigii Rayaale ahaa taliyaha hawlgelinta ciidamada Booliska.
Marka si guud loo eego tirada wasiirada iyo madaxda Booliska ee ay xukuumadani marayso saddexdaas sannadood, waxa la dareemi karaa sida ay tahay siyaasadda gudaha Somaliland. Waxase muhiim ah in Madaxweyne Siilaanyo hirgeliyay darajadii ciidamada oo ay ku guuldaraysteen Madaxweynayaashii ka horeeyay.
Doorashooyinkii goleyaasha deegaanada oo ahaa doorashooyinkii u horeeyay ee ay xukuumadani qabatay ayaa abuuray murano badan oo dhimasho iyo dhaawac keenay, waxay shacabka kaga tageen tafaraaruq iyo kala qaybsanaan xoog badan, waxaana xoogaysatay qabyaaladda iyo is abaabulka beelaha oo wakhtigii Daahir Rayaale, u muuqday inay suureen.
Laakiin, sidaas oo ay tahay nabagelyada guud ee dalku waa taam, mana jiraan cabsi nabagelyo darro oo wadanka ka jiraa.
Khaatumo
Markii u horaysay taariikhda Somaliland waxa gudaha wadanka lagu qabtay shir ka soo horjeeda qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland, waxaana lagaga dhawaaqay koox nabadiid ah oo loo sameeyay Madaxweyne, kooxdaas oo ah kooxda Khaatumo. Abuuritaankeedii waxa ay xukuumadu u muuqatay inay fududaysatay, waxase ay ku baraarugtay markii hawlihii laga rabay la dhameyay, waxaanay kooxdaasi sababtay dagaalo dhex mara ciidamada qaranka iyo maleeshiyaad taageera. Waxase xusid mudan in xukuumadu soo xero gelisay hoggaamiyihii Jabhadii SSC Saleban Ciise Xaglatoosiye oo wakhtigan ah wasiir xukuumadda ka tirsan. Xerogelinta Mr. Xaglatoosiye waxay Somaliland ka damisay colaad badan.
Siyaasadda Dibadda
Inta badan saddexdaas sannadood waxa ay shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ahi si weyn u dhaliilayeen siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Siilaanyo oo ay dad badani u arkayeen inay gelinba cayn noqotay. Isbedelo badan oo laga arkay siyaasadda dibadda ayaa sabab u noqotay inay mucaaradku ka faa’iidaystaan oo ay Madaxweynaha ku cambaareeyaan. Shirar Somaliya loo qabtay ayay Somaliland markii u horaysay ka qayb gashay, kuwaas oo murano iyo doodo badan abuuray. Dheeldheeligaas siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Siilaanyo oo ay shacabku mudadaasba ka dayrinayaan ayaa la aaminsanyahay inay sabab u noqotay in Madaxweyne Siilaanyo wasiirkiisii arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, u bedelo wasaarad kale, waxaanu xilkan hoggaaminta diblomaasiyadda Somaliland u magacaabay Maxamed Biixi Yoonis, oo Qaramada Midoobay xilal sare ka qabtay. Madaxweynuhu wuu bedelay wasiirkiisii khaarajiga, waxase weli la isweydiinayaa inuu siyaasadiisa dibaddana wax ka bedeli doono inay sheekadu ku koobnaan doonto shakhsi la bedelay.
Dhawaaqii ay sannadkan Ingiriiska iyo Maraykanku muwaadintooda uga digeen inay u safraan Somaliland ayaa ah dhacdo dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay markii u horaysay Somaliland soo martay.
Waxyaabaha kale ee xusida mudan, waxa ka mid ah wada hadalka uu Madaxweyne Siilaanyo u ogolaadya inuu la bilaabo dawladda Somaliya, kuwaas oo weli socda, mana muuqdaan wax midho ah oo laga gaadhay marka laga reebo heshiisyo Turkiga lagu kala saxeexday oo aanay waxba ka hirgelin. Bilowga wada hadalkaasna siyaasiyiinta Somaliland way ku kala aragti duwanyihiin.
Xorriyatal qawlka
Dhibaato aan weli dabiib loo helin ayaa kala haysata Madaxweynaha Somaliland iyo xorriyatal qawlka. Sida ku cad warbixinaha urur saxaafadeedka SOLJA, waxa ay xukuumaddani noqotay tii xabsiyada dhigtay saxafiyiintii ugu tirada badnayd. Wakhti xaadirkan la joogo waxa ay albaabada u xidhay mid ka mid ah Wargeysyada dalka ka soo baxa ee madaxabanaan oo ah Wargeyska Hubaal iyo mataankiisa Ingiriisida ah. Waxa isna xabsiga Saylac ku jira weriye madaxbanaan, sidoo kale xabsiga Hargeysa waxa ku jira Jaamac Cilmi Jiir oo u xidhan aragti shakhsi ah oo uu Wargeysyada ku baahiyay. Xataa waxa markii u horaysay saxafiyiinta Somaliland ee la xidhxidhay lagu soo daray warbixinta UN Monitoring group ee toddobaadkii hore loo gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Xukuumaddu waxay ku doodaa inay tahay tii ugu wanaagsanayd saxaafadda ee dalka soo marta, waxaana xilal ka qabtay dhawr saxafi oo uu kamid yahay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse oo ah saxafi ruug-cadaa ah, laakiin saxaafadu waxay aaminsantahay inay ku jirto wakhtigii ugu adkaa.
Xukuumad tiro yar/badan
Madaxweyne Siilaanyo markii uu mucaaradka ahaa wuxuu ku doodi jiray inuu Daahir Rayaale dalka u sameeyay xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah, markii uu xilka la wareegayna, maalin ka dib dhaarintiisii oo ahayd 28 Julay 2010, wuxuu dhisay gole xukuumadeed oo ka koobnaa 26 wasiir oo isugu jiray 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen. Laakiin waxay xukuumadiisu maanta saddex jirsatay iyadoo ay golihiisa xukuumadu marayaan 46 gole xukuumadeed oo isugu jira wasiiro, wasiirul dawlayaal iyo wasiir xigeeno, waxaana weli Madaxweynaha u hadhsan mudadiisii xil hayneed laba sannadood. Daahir Rayaale oo uu Madaxweyne Siilaanyo tiro badnaanta wasiirada ku dhaliili jiray, waxay xukuumadiisii talada wareejisay iyadoo ay golihiisii xukuumadu ahaayeen 52 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiirul dawlayaan iyo wasiir xigeeno.
Dhaqaalaha
Dhaqaalaha dalka ayaa u muuqda mid wanaagsan. Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii uu xilka qabtay wuxuu si weyn u kordhiyay miisaaniyadda dalka, waxaanu mushaharka u laban laabay ciidamada iyo shaqaalaha dawladda. Sidoo kale wuxuu bilaash ka dhigay lacagtii dugsiyada dawladda, isagoo balan qaaday inuu sannad kasta mushaharka u kordhin doono ciidamada iyo shaqaalaha. Laakiin, Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday Maxamed Xaashi Cilmi, waxaana bedelay Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo inkastoo uu odoroska miisaaniyadda kordhiyay aan haddana weli ku guulaysan inuu kordhiyo mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha.
Dhinaca musuqa, inkastoo ay xukuumadu ku doodo inaanu dalka musuq maasuq ka jirin, haddana waxa jira musuq iyo maamul xumo lagu lunsado dhaqaalaha dalka qaybo ka mid ah oo ay mucaaradku soo bandhigaan. Waxaana jira mashaariic iyo qandaraasyo ay xukuumadu bixiso iyadoon shacabka loo bandhigin.
Mucaaradad
Saddexdaas sanadood marna Madaxweyne Siilaanyo ma waajihin mucaaradad adag oo kaga timaada xisbiyada mucaaradka amaba siyaasiyiin madaxbanaan. Laakiin wuxuu hadda la saddex jirsanayaa mucaaradadii ugu adkayd. Labadii xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID oo ay deeradu dhex miranaysay ayaa u midoobay xoojinta mucaaradada, heshiisna kala saxeexday. Siyaasiyiin culus oo mucaarad ah ayaa samaystay golaha toosinta iyo wada tashiga qaranka. Labada dhinacba waa xoogag mucaaradeed oo xukuumadiisa ku bilaabay.
Gunaanad
Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu maanta way saddex jirsatay, dalkana waxa ka jira duruufo kala duwan. Waxase Madaxweynaha looga fadhiyaa inuu mar walba ka dhabeeyo himiladii loo doortay iyo balan qaadyadii uu doorashada kaga helay raggii la tartamay. Madaxweynaha waxa laga sugayaa oo waajib ku ah inuu bishan Julay bisheeda dambe dalka gaadhsiiyo horumarkii iyo himilooyinkii uu balan qaaday. Waxaanan ku soo gunaanadaynaa hambalyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo ay xukuumadoodu maanta saddex jirsatay.