Wasiirka Khaarajiga Oo Maanta Xilka La Wareegaya

0
616

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya xilka wasaaradaas.

Munaasibad balaadhan ayaa la filayaa in wasiirka cusubi xilka kagala wareego wasiirkii hore Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ah wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga. Munaasibadaas ayaa la filayaa in wasiirkii hore ka jeediyo khudbad uu kaga waramayo siyaasadda dibadda ee dalka iyo maraaxilkii ay soo martay mudadii uu xilka hayay. Wasiirka cusub oo ah diblomaasi muddo dheer u shaqaynayay Qaramada Midoobay ayaa isna la filayaa inuu halkaas ku soo bandhigo qorshayaashiisa iyo waxyaabaha uu ugu tallo galay inuu ku dhaqaajiyo siyasadda dibadda Somaliland.