Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inay Xasan Sheekh Ka Caawinayso Sidii Somaliland Loogu Qancin Lahaa Ka Qayb Galka Shirka Beljamka Ee Somaliya

1
979

Picture7Hargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay Madaxweynaha dawladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka caawinayso sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay ka qayb gasho shirka Beljamka loogu qabanayo Somaliya ee lagu soo bandhigi doono nidaamka cusub ee loo yaqaan New Deal.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay, ayaa khudbad uu ka jeediyay kulan afur ah oo uu xaruntiisa Muqdisho ugu  sameeyay Madaxweynaha Somaliya iyo dawladiisa, toddobaadkan, wuxuu ku sheegay inay muhiim tahay inay Somaliland oo uu u adeegsanayay gobal ka qayb gasho shirkaas, “Weli waxay su’aali ka taagantahay  sidii gobalada kale ee ay Somaliland ka mid tahay loogu soo dari lahaa habkan cusub ee New Deal iyo sidii loogu qancin lahaa inay ka soo qayb gasho shirka Brussels .” ayuu yidhi Nicholas Kay.

Wuxuu intaas raaciyay inay Qaramada Midoobay ka caawinayso Xasan Sheekh sidii uu u gaadhi lahaa inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, “Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay dawladda [Somaliya] ka taageerto sidii ay wada hadaladaas [ku qancinta Somaliland] hore ugu sii wadi lahayd.”

Shirkan Beljamka ka furmaya bisha September ee sannadkan, ayaa ah kulan dhaqaale loogu ururinayo dawladda Somaliya, waxaanu ka dhashay shirkii isla sannadkan lagu qabtay Ingiriiska ee ay Somaliland qaadacday ka qayb galkiisa. Midowga Yurub ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku casuumay shirkan, laakiin ilaa hadda ma cadayn inuu ka qayb galayo iyo in kale. Waxa iyana isweydiin leh doorka uu ergayga Qaramada Midoobay ku leeyahay Somaliland, maadaama oo ay war ugu dambaysay iyadoo ay xukuumadda Somaliland xafiiskiisa ka mamnuucday in Somaliland laga furo.

Comments are closed.