Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inuu xadka Somalialnd iyo Itoobiya wakhtigan u xidhanyahay arrimo xagga nabadgelyada ah.
Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Siciid Cali Muuse, oo uu kaga hadlay kulan uu shalay wasiirul khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis magaalada Addis Ababa kula yeeshay dhiggiisa Itoobiya Tedros Adhanom, ayuu ku xaqiijiyay warkan. Warsaxaafadeedkaas oo uu Siciid Cali Muuse, ku faahfaahiyay kulankaas iyo qodobadii laga wada hadlay wuxuu u qornaa sidan, “Wasiirka Arrimaha Debeda ee Ethiopia, Tedros Adhanom Ghebreyesus iyo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Jamhuuriyada Somaliland, Mohamed Bihi Yonis, ayaa maanta [shalay] kulan ku yeeshay caasimada Ethiopia ee Addis Ababa. Kulankaas, oo ka dhacay xarunta Wasaarada Arrimaha Debeda ee Addis Ababa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, M B Yonis, waxayna labada Wasiir ka wada hadleen, arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal, gaar ahaan xoojinta nabada, gaar ahaan amaanka xuduuda labada dal. Xuduuda Somaliland iyo Ethiopia ayaa hada u xidhan arrimo xaga nabadgelyada ah iyo sidii argagixisada loola dagaalami lahaa, iyo amaanka Gobolkaba.
Waxa jira is-kaashi adkaynta nabada ah oo ka dhexeeya wadamada Somaliland la jaarka ah, sida Ethiopia iyo Djibouti.
Arrimaha kale ee Labada Wasiir manta ka wadahadleen wax ka mid ahaa shirka soo socda oo ay labada wadan wada yeelanaya ee Bisha soo socta bilowgeeda ka dhacaya magaalada Dirir Dhaba ee Ethiopia kaas oo lagaga wadahadlaayo qodobo ay ka mid yihiin ganacisga iyo nabadgelyada, shirkaas oo ay ku kulmayaan gudiyo xaga farsamada ah.”