Xukuumada Ka Yeeli Mayno Mudo Kordhin Iyo Wareejinta Dekedda

0
530

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ayaa sheegay in sharcigii iyo jiritaankii Xukuumaddani wax yari ka hadhsan yahay, isla markaana aanay wax heshiis ah geli karin marka la gaadho wakhtigeeda, isla markaana ay hadda khalad tahay in Dekada Magaalada Berbera ay Shirkad ku wareejiso, ama heshiis kula gasho.

Xildhibaan Jibriil Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay inay Xukuumaddu doonaysay muddo kordhin balse ay ka socon weyday, isaga oo sheegay in muddada Sannadka ah ee ay Komishanku dib u dhigeen ay tahay muddo la isla gartay, waxaanu Golaha Guurtida ugu baaqay in aanay soo faragashan hawlaha Komishanka, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Xukuumaddan xilkeedii iyo wakhtigii Shanta Sanno ahayd ee la doortay waxa ka hadhay muddo ka yar laba bilood,madaama wakhtigaas koobani u hadhay,waxa u haboon in aanay ku dhaqaaqin wax Sharciga iyo Dastuurka Somaliland ka hor imanaya ama khilaafaya,  sida Dekada Magaalada Berbera oo ay Shirad ka wareejisay, sharciga umay marin, kuma wareejin karto, waxa laga qaadanayo ama laga yeelayo maaha, maxa yeelay Dekada Berbera  waxa iska leh oo eeganaya Umadda reer Somaliland, waa Dekadii dalka ugu weynayd, markaas in si yar oo fudud Xukuumaddi ku wareejiso wax loo dulqadanayo maaha, in wareejinta Xukuumadda ee Dekada Berbera wax ku jiraana waxa muujinaya in aan Barlamaanka la horkeenin”.

Xildhibaan Cabdiqaadr Jibriil Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhin ay doonaysay Xukuumaddu iyo go’aankii Komishanka ayaa yidhi “Xukuumaddu waxa ay markii hore doonaysay  inay muddo kordhin sameeysto, balse taasi wey u suurtageli weyday, in Komishanku Doorashada muddo Sannad ah dib u dhigaana waxa ay ahayd farsamo, Saddexda Xisbina isku si ayey u soo dhaweeyeen, waxaana balse Golaha Guurtida ugu baaqaya in aanay faraha la gelin soona farsho gashan Shaqada Komishanka Doorashooyinka.

Xukuumaddani waxa ay caado ka dhigatay in hesho waxa walba oo ay doonto, taasina wax u suurtagalaya maaha, markaas Xukuumaddan ka yeeli mayno muddo kordhin, wareejinta Dekeda Berbera,  iyo Cabudhinta Bulshada”.