5 Dersi Oo Uu Cigaal Shidaad I Baray

0
745

W.Q: Rachel Pieh Jones, waxaa turjumay Kamaal A. Ali … (Q. 2)

Picture1Waa qaybtii labaad ee qormadii ay Pieh Jones kaga waramaysay duruusta ay ka baratay qisada caanka ku ah dhaqanka Soomaalida ee Cigaal Shidaad:

3. In aan Geesi noqdo macnaheedu waa in aan ku dhiirado ku dhowaanshiyaha iyo la macaamilka waxa aan ka baqanayo:

Si aan u ogaado xaqiiqada shayga aan ka baqayo, si aan si sax ah ugu garto waxa uu yahay, waa in aan la macaamilo.

Haddii Cigaal Shidaad uu u dhowaan lahaa Kurtinkan, waxa uu dhaqso u ogaan lahaa in uu qaldan yahay oo waxa uu arkayaa aanu Libaax ahayn, kadibna socodkiisa ayaa uu iska sii wadan lahaa. Waxa uu ku hubaysnaa waran iyo gaashaan, haddana iskuma uu dayin in uu ka baqadsiiyo Libaaxa uu arkayo, haa meel durugsan ayaa uu kaga soo qayliyey, laakiin iskuma uu deyin in uu la dagaallamo. Haddiiba uu ku dhiirran lahaa in uu la dagaallamo Libaaxan oo uu isticmaalo hubkan uu sito, waxa uu markaba ogaan lahaa qaladkiisa, kadib socodkiisa ayaa uu iska sii wadan lahaa.

In aad Ajaanib noqotaa waa arrin cabsi iska wadata.

Mararka qaarkood diiqad ayaa ay kugu noqonaysaa in aad bulshada kugu xeeran ka soocnaato, in aad noqoto ka Maraykanka ah, Ka caddaanka ah, Ka aan muslimka ahayn, mararka qaarkood waxa aan isu arki jiray in aan ahay ri’ keliya oo geel ku dhex jirta. Laakiin marka aan bannaanka ka istaago bulshada, ee aan meel ka durugsan ka soo eego dhaqankan aan martida u ahay, ma’ arki karo xaqiiqada waxa uu yahay. waxaa ii muuqanaya xidhiidho, dhaqamo iyo in fahamka ay dunida kale ka haysato bulshadani uu ay ka hor imanayaan gebi ahaanba ka’aan anigu haysto. Sidaaa awgeed anigu bannaanka kama aan istaagin sida Cigaal Shidaad, ee waa aan dhexgalayo, waraystay, oo aan bartay.

4. Mar kasta diyaar u ahow in wax lama filaan ahi kugu iman karo: Cigaal Shidaad jidkan uu marayo kama uu filayn in badhtankiisa uu kula kulmi doono jirrid geed, marka horeana niyaddiisana waxaa ku jirtay cabsi ah in uu khatar la kulmi karo, weliba Libaax, taas ayaa ay nafsaddiisu u diyaarsanayd, tii ayaanu la kulmay, ama aynu nidhaahno uu u qaatay in uu la kulmay.

Marka aynu dal shisheeye ah ku noolnahay, waa in aynu mar kastaba filannaa in aynu aragno ama innala kulmaan waxyaabo aynaan filayn.

(Soomaalida) Marka aad nin weydiiso in uu ku tilmaamo, gaadhiga ayaa uu soo fuulayaa. Halkii aad ka filaysay in uu ku tilmaamo oo uu kuu sheego halka aad raadinayso, waxa uu ka doorbidayaa in uu ku raaco oo ku soo tusaba. Tuug ma’aha, ee keliya in uu ku caawiyo ayaa uu doonayaa. Marka aan suuqa xalwad ka iibsanayo ee qofka iga iibinayaa uu ii dhiibo bac buuxda oo aad uga badan intii aan dalbaday, ujeedadiisu ma’aha in uu lacag badan ka furto qofkan ajaanibka ah, balse waa hab uu iigu sheegayo sida uu ugu faanayo sancada gacantiisa, waxa uu doonayaa in aan xiiseeyo aniguna waxa uu sameeyey. Waa hadyad.

5. Qofka mar fulay noqdaa weligii fulaygaas ayuu ahaanayaa:

In kasta oo uu Cigaal Shidaad subaxnimadii ogaaday in uu xalay qaldanaa, oo waa uu arkayey aanu ahayn wixii uu mooday, haddana wlei waxa uu ku dhaaranayaa in aanu dib dambe habeen u socdaali doonin.

Waxa ay ila tahay haddii uu Cigaal Shidaad raaci lahaa afartaa fikradood ee hore, waa uu iska fogeyn kari lahaa fulaynimada, laakiin sida muuqata hoos ayaabu u sii dhex quusay (Fulaynimadii), oo waxyaabo kale oo iyaguna fulaynimo ah ayaa uu ku sii kacay, sida markii uu cadowga ka baqay ee inta uu gogosha isku duubay iska dhigay in uu dhintay si uu uga dhuunto. Maadaama oo ficil fulaynimo ah uu ku kacay, fulay ayaa uu noqday, dibna dib uma’ uu awoodi karin in uu sumcaddiisa soo ceshado.

Aniga qudhaydu arrimo fulaynimo ah ayaa aan ku kacay, sida in aan male qaldan qaatay, si aan sax ahayna xukun isaga gaadhay. Mararka qaarkood waxaa I gala dareen sida ka fulayga ah, oo waxa aan ka baqaa wax yaabo aan macno lahayn ama macno leh, laakiin haddana weli si buuxda fulay la iguma aqoonsan.

“Adiga iyo waxa aad aragtaa mar kasta laba shay ayaa aad kala tihiin… Cigaal Shidaad markii ay tani ku dhacday waxa uu is weydiiyey, maxaa talo ah? Kadib waxa uu go’aansaday in aanu dib dambe habeennimo u socdaalin.

Aniga iyo saygayga Alien oo dal shisheeye ah joogna, maxaa annagana nala gudboon in aanu yeelno?

Waa in aanan aragtida koowaad ku go’aan qaadan ee aan sii hubiyaa, waa in shay kastaa waxa uu yahay aan ogaado inta aanan fikir ka qaadan, waa in aan faraha la galo waxa aan ka baqayo oo aan ku dhowaado, una dagaalamaa in aanan fulaynimo isku calaamadin. Dhammaad.

Rachel Pieh Jones waa qoraa u dhashay Maraykanka oo ku nool Jabuuti, waxa aanad kala socon kartaa barteeda bar-kulanka bulshada oo ah @RachelPiehJones.

Qaybtii 1-aad halkan ka akhri