Xukumadda Somaliland Oo Si Kooban Uga Hadashay Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee Soomaaliya Iyo Kenya

0
1314

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kooban uga hadashay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay sida ay ka dawlad ahaan u arkaan khilaafkaas diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya oo sababay inay Kenya u yeedhato safiirkeedii joogay Muqdisho, dalkeedana ka saarto safiirka Soomaaliya, wuxuu Wasiir Faratoon yidhi  “Arintaasi waa arin labadaas dal u taala, kolay xaaladu siday noqon doonto iyo waxay ku dambayn doonto ma ogin, waxaynu ka faa’idaysanaa ma yaalaan meesha hadeerto.”

Wuxuu Wasiirku sheegay inay ka dawlad ahaan isha ku hayaan xiisadda diblomasiyadeed, “Xaaladana waanu eegaynaa oo labada dal bay u taalaa, waxaanu hadda ka nidhaahno khilaafkoodu nooma yaalaan, wixii shalay laga hadlaayey iyo waxa maanta laga hadlaayaa way kala duwan yihiin, arimahooduna way soo degeen.”

Dawladda Somaliland ayaa Kenya ku leh xafiis diblomaasiyadeed, waxaanay dawladda Kenya dhawr goor sheegtay inay iyaduna xafiis diblomaasiyadeed ka furan  doonto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan weli hirgelin. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda oo sidoo kale u waramay wargeyska Dawladda ee Dawan, ayaa isagoo ka hadlaya xafiiska Kenya ee Hargeysa wuxuu yidhi “Xidhiidhka Kiiniya iyo Somaliland meel wanaagnsan ayuu marayaa waxaanay Kiiniya xafiis ka furanaysaa Somaliland, qorshiisuna wuu socdaa, waxaanay ahayd in sannadkan bilawgiisa ay furtaan, kulamo aanu madaxda dawladda Kiiniya wada yeelanay kadib waxay ku qanceen in ay xafiis dublamaasiyadeed ay ka furtaan Somaliland, dhakhsana way u furanayaan, Somaliland xafiiska ay Kiiniya ku leedahayna si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, xidhiidhka labada dalna aad ayuu u wanaagsan yahay.”

Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in uu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeedhatay safiirkeedii Lucas Tumbo.

Kenya ayaa dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay qandaraas ku siisay shirkado shidaal dhul ay leedahay. Soomaaliya waxay sheegtay inaanay bixin dhul ay Kenya leedahay, waxayna tilmaamtay in khariiradda ay Kenya sheegayso ay muujinayso dhulka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here