Saddex Qodob Oo Ay Kenya Shuruud Uga Dhigtay Inuu Soo Noqdo Xidhiidhka Soomaaliya

0
1177

Nayrobi(Geeska)-Dawlada Kenya ayaa saddex shuruudood ku xidhay in xidhiidhka Somaliya ay la leedahay uu dib u soo laabto.

Sida warbaahinta dalkaasi ay ka soo xigatay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada ee Kenya, waxay dawladda kenya ay ku cadaadinaysaa Somaliya inay meesha ka saarto dacwada labadaas dal u dhaxaysa ee taala maxkamada caalamiga ah ee aduunka.

Saddexdan qodob ee ay ee ay Kenya soo bandhigtay si ay heshiis u gaadhi karaan Somaliya ayaa ah kuwo adag, waxaanay saddexda qodob ee warbaahitna dalkaasi ay baahisay ay kala yihiin

1-In dowladda Somaliya sida ugu dhaqsaha badan uga saarto khariiradada qeybaha xudduud baddeedkeeda ka mid ah ee lagu soo bandhiga shirkii 7dii bishan ka dhacay magaalada London ee lagu soo bandhigay sahaminta shidaalka Somaliya.

2-In dowladda Somaliya ku war-galiso dhamaanba shirkaddaha ku howlan baayicida xidhmooyinka la soo bandhigay in Somaliya dhulkaas aanay lahayn.

3-In dowladda Kenya ka dooneyso Somaliya in wada xaajood ay ka galaan arinta ku saabsan muranka xudduud baddeedka ee u dhaxeeya labada dowladdood iyada oo meel leyska dhigayo dacwadda hadda hortaala maxkamadda cadaallada  dunida ee ICJ.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here