Ciidal-Arafada Oo Banaanka U Soo Saartay Busaarada Dalka Ka Jirta

1
564

iidaHargeysa (Geeska) – Iyadda oo toddobaadkan maanta bilaabmay gudihiisa ay ku beegan tahay Ciiddii Carafo, ayaa waxa isbedal weyni ka muuqdaa dhaqdhaqaaqyadii suuqa dharka iyo bacadlayaasha oo xiligan oo kale aad mashquul u ahaan jiray.

Suuqyada Magaalada Hargeysa, ayaan waxa aan ka muuqan diyaar-garow buuxa oo ku aadan farxadda Ciidda Carafo, waxaana bacadlayaasha suuqyada Hargeysa wax looga iibsadaa si teel teel ah, halkii Ciiddii tan ka horeysay ee Carafo qofka doonaya inuu dhar u doonto bacadlayaashu uu uga  maagayey cidhiidhiga carruurta iyo dadka kale ee wax ka iibsanaya awgeed.

Ganacsatada bacadlayaasha qaarkood oo la waydiiyey isbedalka u dhexeeya Ciiddan iyo tii ka horeysay suuqa ayaa sheegay in ganacsigooda ay saamayn ku yeelatay busaarad ka jirta dalka, taasi oo ay sheegeen inay sababtay in dadwaynuhu awoodi waayaan inay carruurtooda bacadlayaasha keenaan oo ay Ciiddana dharka Ciidda u iibiyaan.

sidoo kale, waxay sheegeen in suuqa kala iibsiga dharka ciidda uu hoos u dhigay qiimaha oo ka sareeya sidii hore, iyadda oo shay kasta qiimihiisu sare uga kacay sidii uu ahaa Ciiddii hore “Hooyo 60 doolar ayaan qaatay oo aan is lahaa laba Carruur ah ku sii ciidsii, laakiin lixdankii way soo wada kafayn waayeen”sidaa waxa tidhi haweenay carruurteeda dharka ciidda u soo iibisay, waxayna sida muuqata caddaysay inaan lacagta ay sheegtay aan laba carruur ah lagu ciidsiin Karin, qiimaha dharka awgeed.

Comments are closed.