Xubno Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Taageeray Hadalkii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

0
914

 

 

ucidHargeysa(Geeska)-Xubno ka tirsan xisbiga siyaasiga ah ee UCID ayaa sheegay inay taageersanyihiin hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ee uu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu isbedel ku sameeyo distoorka xisbigaas.

Qoraal uu Faysal Cali Waraabe ka soo diray dalka Finland ayaa wuxuu ku sheegay inuu raali ka yahay in lagu noqdo distoorka xisbiga UCID, lana kala saaro labada jago ee guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga, laakiin waxa hadalkaas cambaareeyay xubno ka tirsan xisbiga oo sheegay inay tahay aragti shakhsi, iyagoo sheegay inuu hadalkaasi yahay mid uu ku deg degay oo aan wakhtigiisii taagnayn, waxaanay jawaabta kooxdaasi keentay khilaaf ka dhex curta xisbiga.

Qaar ka mid ah xisbiga UCID oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay taageersanyihiin aragtida guddoomiyaha, waxaanay xubnahaas guddoomiyaha u jawaabay ku eedeeyeen inay la deg degeen jawaabtooda. Xubnaha shalay hadlay oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Xasan Badmaax iyo Maxamuud Cali Jiir, waxay si adag u difaaceen guddoomiye Faysal Cali Waraabe.